U bood dhigaalka

Maxkamadda Magaalada Boosaaso oo Xukun Ku Ridday Shan Dhallinyaro ah

Maxkamadda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa xukun ku ridday shan dhallinyaro ah oo lagu helay in qoys danyar ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ay dhawaan kula kaceen fal tacadi ah, oo lagula kacay caruur huruda habeenimo.
Mid ka mid ah dhallinyarada ayaa maxkamaddu ku xukuntay Lix sano oo xarig ah, Halka Afarta kale lagu xukumay min shan sano oo xabsi ah iyo min afar kun oo Dollar, taas oo maxkamaddu ku sheegtay ganaaxa falkii ay kula kaceen ee loo xiray.
Dhalliyadaan ayaa waxaa ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ay u qabteen, kadib markii falal aan dhaqanka iyo ansha ku jirin ay kula kaceen caruur huruda oo ay ay baraha bulshada soogaliyeen iyaga oo madaxa kaga istaagsan.
Goobjoog News