U bood dhigaalka

Guddoomiye Cali Jeyte oo Xilka-qaadis Lagu Sameeyay

Cali Jeyte Cismaan ayaa laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kadib wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, halka xilka guddoomiyaha ayaa loo Magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow), Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr jeer soo noqday guddoomiyaha gobolka.

Cali Jeyte Cismaan ayaa muddooyinkii dambe hoggaaminayay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo wadajir Al-shabaab kaga saaray inta badan gobolka Hiiraan, waxaana xil ka qaadistiisa ay kusoo aadaysaa xilli ay dowladdu ku dhawaaqday in dhowaan la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxad Al-shabaab.

May be an image of text

Goobjoog News