U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaqo Ciidan oo Maanta Laga Dareemayo Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah, waxaana magaalada inteeda badan lagu dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo aan la ogeyn sababta ciidanka loo soo daadshay.

Dhaqdhaaqyadaan ciidan oo iska soo horjeedo ayaa yimid kadib markii habeenimadii xalay ciidamada  PMPf ee Madaxtooyada ay xireen inta badan wadooyinka muhiimka ah oo ay ku jirto waddada Wadnaha iyo xarumaha wasaaradaha oo ciidan la dhigay.

Dhaqdhaqaayada ciidan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli dhowaan la furay Kalfadhiga 52aad ee golaha Wakiillada waxaana la filayaa in xildhibaannada ay bilaabaan dood ku aadan wax ka bedelka Dastuurka uu hore u sheegay madaxweyne Deni in la furayo.

Goobjoog News