U bood dhigaalka

Howlgalka ATMIS oo Billaabay Dhimista Ciidamadooda Guda Soomaaliya

Howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Howlgalka ATMIS oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa ku wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horreysay ee saldhigga Ciidanka Xaaji Cali ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa si rasmi ah xaruntan ugu wareejiyay taliyaha ciidanka XDS ee aaggaas, Gashaanle Bashiir Abuukar Axmed, waxaana munaasabadan ka qeyb galay saraakiil sar sare oo ka kala socday ATMIS iyo CXDS, taas oo uu gudoominayay taliyaha ciidamada ATMIS ee dhanka Qorsheynta Gash.dhexe. Collins Musau.

“Sannado badan, waxaan si dhow ula shaqeynay CXDS, wadashaqeyntaasna waxay si weyn uga qeyb qaadatay horumarinta xasilloonida iyo amniga deegaankan, xil wareejinta maanta waxay qayb ka tahay wareejinta mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu yiri Gash.dhexe. Musau.

Taliyaha CXDS  ee aaga Xaaji Cali, Gash. Bashiir, ayaa uga mahadceliyey ATMIS wareejinta xaruntan, wuxuuna sidoo kale xusay in xil wareejinta ay ka dambeysay xiriir wada shaqeyn oo dhex maray ATMIS iyo CXDS.

“Waxaan had iyo jeer xiriir wanaagsan la lahayn howlgalka ATMIS inta ay halkan ka shaqeynayeen, haddana xilka ku wareejinayaan sidii loo igmaday, waan ku faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Gashaanle Bashiir.

Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa xasuusiyay dhammaan dhinacyada in xil-wareejintu ay tahay fulinta waajibaadka howlgalka ATMIS.

“Waa tallaabo muhiim ah oo uu maanta horey uqaaday howlgalka ATMIS, ka dib booqashadii hore ee ay qiimeynta ku sameeyeen saldhiggan hoggaanka Sare ee ATMIS, SNA iyo UNSOS,” ayuu yiri Gash.dhexe. Bimenyimana.

Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa taageero farsamo iyo qalab siisay howlgalka ATMIS, waxayna CXD ku wareejiyeen ceel riig ah, qalabka lagu daweeyo biyaha iyo kaydinta, Janareetaro, Solarro, qalabka qaybinta korontada, talaajado iyo qaboojiyayaal.

Saldhiga Xaaji Cali oo 70 km waqooyi-bari ka xiga Magalada Muqdisho ayaa ka mid ah 7 saldhig oo howlagalka ATMIS ku wareejinayo CXDS dhamaadka bisha June 2023, Bishii Janaayo ee sanadkan ATMIS ayaa saldhigga Maslax ee duleedka Muqdisho ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News