U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Dalbaday in Lagu Taageero Dagaalka Al-shabaab iyo Musuqmaasuqa

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidda Carafo kula tukaday mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Al-shabaab  iyo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in  Al-shabaab aan loo cudur daari Karin loona baahan yahay in si isku mid ah loola dagaallamo oo ay shacabka ku dhiiraddan sidii looga xoreyn lahaa dalka, waxaana uu ugu baaqay in shacabku ay la yimaadan isku tiirsanaan iyo walaaltinimo.

“Waxaan kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa,waxa uunna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha “ayuu yiri.

” Khawaarijta ha ku tageerin in ay Shacabka ku xasuuqaan dhaqaalahaga oo aad siiso,ka qayb qaado sii dalkaan xasiiloonidiisa looga shaqayn lahaa,jidka marka ay qarax dhigayaan kama ilaalinayo naftada adigoo siiyay dhaqaalahagii,kuwa ku dhimanaya waa carruurtada Xaaskaga iyo Ehelkaga,dadka maalin walba ku dhita qaraxyada” ayuu sii raaciyay hadalkiisa madaxweynaha.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay dowladdu waday abaabulka Wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana sidoo kale dowladdu maalmihii dambe beegsatay dad lagu tuhmayay lunsashada hantida dadweynaha.

Goobjoog News