U bood dhigaalka

Rabshadaha Faransiiska oo Ka Siidaraya iyo 600 oo Qof oo Xabsiga La Dhigay

Rabshadaha ka socda France ayaa ka sii daraya, iyadoo In ka badan 600 oo qof xabsiga la dhigay kadib markii ay isku dhaceen mudaaharaadayaal careysan oo banaan baxayey iyo booliiska dalka Faransiiska, kadi boolisku toogasho ay geysteen.
Arrintaan ayaa socoto maalintii sedexaad waxaana ay daba joogtaa dil ay ciidanka Booliiska dalkaas ay u geysteen wiil la sheegay inuu dhallinyaro ahaa. Dowladda ayaa isku dayeysa in ay xaaladda sideeda ay ku soo celiso lana dajiyo xasaradaha.
Mudaharaadayaasha iyo ciidanka ayaa dhowr meel isaga horyimid waxaana jira in dadku ay burburinayaan qaar kamid ah sawirrada suran qeybo kamid ah caasimadda iyo magaalooyin kale, arrintaan ayaa socota maalintii sedexaad oo la mudaharaadayo.
Goobjoog News