U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo Shaaciyay Waqtiga uu Bilaabanayo Wajiga Labaad Ee Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:War

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya  oo yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad ee dagaalka Al-shabaab , taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka lugu  xoreynaayo, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dagaalka ka dhanka Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkii lagu qaaday.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

Goobjoog News