U bood dhigaalka

Boqolaal ka tirsan booliiska Jarmalka ayaa isticmaalay budad  iyo Biyaha basbaaska si ay u qaboojiyaan dad badan oo bartilmaameedsanayay xaflad dhaqameedka bulshada ka soo jeeda dalka Eritrea,taas oo ka dhaceysay bartamaha magaalada Giessen.

Dibad-baxayaasha diidanaa waxay ka cadhoodeen in xafladda lagu qabtay magaalada Giessen, iyagoo ku tilmaamay mid lagu buunbuuninayo , Asias Afwerki, 26- kamid ciidanka Booliiska ayaa lagu dhaawacay iska hor imaadka, halka 100 qofna la xiray.

War ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dibadbaxayaashu ay dhalooyin iyo dhagxaan ku tuureen booliiska, isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyeen qaar ka mid ah baabuurta, sidoo kalena ay jeex-burburiyeen deyrar ku wareegsanaa goobta xafladda lagu qabanayay.

Goobjoog News