U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Amniga oo Ka Dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto.Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale  ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dhinaca laamaha amniga ah.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Saraakiisha Xarunta ayaa sidoo kale lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii Al-Shabaab   22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo aan geysan khasaare xoogan, ciidanka ayaa ku guuleystay soo afjaridda weeerarkaas.

Goobjoog News