Gaadiidleyda Ku Safarta Hirshabeelle oo Ka Cabaneysa Canshuuro Xad Dhaaf ah
Gaadiidleyda ku safarta deegaannada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle ayaa cabasho xooggan waxaa ay ka muujinayaan canshuuro xad dhaaf ah oo looga qaado inta ay ku jiraan safarkooda, waxaana ay arrintaan sabab uga dhigeen khilaafka u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo guddioomiyihii hore Caji Jeyte Cismaan.
Gaadiidleydaan oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dhowr meelood oo gudaha Hirshabeelle ah looga qaado canshuuro badan oo aysan awood u laheyn, iyaga oo carabka ku dhuftay in gobollaha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan looga qaado lacag ka badan $1000, taas oo aysan xamili karin in ay bixiyaan.
Gawaaridaan oo ah kuwa xamuul ah oo ka soo baxay magaalada Muqdisho ayaa ku xaniban deegaanno ka mid ah maamulka Hirshabeelle, waxaana ay ugu baaqeen dowladda in arrintaan ay wax ka qabato, waxaana wali taagan khilaafka xooggan ee u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyihii hore.
Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan xil-kaqaadis lagu sameeyay ayaa ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo, waxaana taa badelkeeda uu ku dhawaaqay maamulka Hiiraan State, taas oo keentay in Gaadiidleyda lacago kale looga qaado Hiiraan $400 oo lamid ah canshuurta Hirshabeelle oo ah $400, iyagoo cabasho ka keenay.
Marka laga tago canshuuraha $800 ee lagu qaado Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaa sidoo kale jira dhowr isbaaro oo taalla qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha dhexe, taas oo ay sheegeen in ay kaga baxdo laxag ku dhow $500,taasna ay keentay in gaadiidka ay ku xanibnaadaan, kadib markii ay bixin waayeen.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Jeyte Cismaan Khilaafka u dhaxeeya ayaa sababay in deegaannada Hirshabeelle ay ka wada shaqeeyaan laba maamul oo lagu midba ka taliyo gobol gaar ah, taas oo culeys ku noqotay Gaadiidleyda ku safarta labada gobol ee la cansuuro.
Goobjoog News