U bood dhigaalka

Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Sheegay Shirkado Laga Celiyay Lacago

Wasiirka Awqaafta Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur  ayaa soo saaray amarro ku sicda Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka  sidii loogu tala galay in dib looga soo celiyey lacagihii ay ku qaateen fulinta adeegyadaan.

Wasiirka oo  ka hadlay munaasabadda soo xiritaanka Moosinka Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga xajka ee loo sameynayay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirkadahan ayaa qaabilsanaa Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed,munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Awqaafta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Qunsuliyadda Guud iyo shirkadihii fulinayey Adeega Xajka sida uu ka sheegay sirkiisa Ja’raaid.

Sannadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad oo gaaraysa 11,500 oo xujay Soomaali ah, kuwaas oo fursad u helay ay gaaraan magaaladda Makka Al- Mukarrama, si ay gutaan waajibaadka Xajka, sanadkii tagay ee 1444 oo soo gabagaboobay.

Goobjoog News