Taliye Ismaaciil Cabdimaalik oo Hoggaaminaya Ciidanka Ku Wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa taliyihii hore ee ciidanka Kumaandooska ee Danab Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin u magacaabay taliyaha guutada 16-aad ee lagu magacaabo Cali Binu Abii Daalib, kuwaas oo ku wajahan Galgaduud.
Taliye Maalik ayaa la sheegayaa inuu hoggaamin doono , ciidankaan oo ku wajahan deegaannada hoostaga magaalada Ceelbuur, gaar ahaan deegaannadaas oo uu beel ahaan taliyaha uu kasoo jeedo, taliska ciidanka Africom oo taageeraya xoogga dalka ayaa shaqada sarkaalkaan la dhacsan.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Muqdisho ka sagootiyay ciidanka dowladda ee ku wajahan gobolka Galgaduud, waxaana ay dhawaan ay tabarro kale duwan ay kusoo qaateen dalalka Masar iyo Uganda.
Ismaaciil Cabdi Maalik oo hadda loo maagacaabay taliyaha guutada 16-aad ee Cali Binu Abii Daalib, ayaa waxaa howlgalka lagula wareegayo Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo waxaa qeyb kala noqonaya guutada 24-aad ee lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid oo howlgalkaas ku wehlindoona.
Taliska xoogga dalka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu soo dhammaaday diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana talisku cadeeyay in ay u dhaqaaqayaan gaaritaanka deegaannada hoosyimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalalka Uganda, Masar iyo Eritrea oo ay kaabayaan Kumaandooska Danab, Gorgor iyo ciidan ka tirsan taliska Africom ayaa saldhigyo ka sameystay aaga Galcad, iyaga oo ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Hirshabeelle iyo Galmudug laga bilaabayo Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Wajigii koowaad magaalooyin dowr ah looga saaray Al-shabaab kuwaas ay maamulayeen wax ka badan 10 sano.
Goobjoog News