Dr. Xuseen Shiikh oo Iskacasilay Xilka Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud oo ahaa agaasimihii madaxtooyada qaranka ayaa iska casilay xilka uu hayay, sida laga soo xigtay ila wareedyo ku dhow, waxaana warqadiisa iscasilaadda uu u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya
Xuseen ayaa ahaa siyaasi miisaan ku dhex lahaa siyaasadda, waxaana uu si aad ah ugu dhowaa madaxweynaha Jamhuuriyadda, wallow aan wali la ogeyn sababta ka dambeysay iscasilaadiisa iyo inuu ka tago shaqadii agaasimaha guud ee madaxtooyada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay tahay arrin shakhsi, iyadoo loo badinayo inuu isu soo sharxo madaxtimnimada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya sida ay sheegayaan wararka laga helayo ku aadan shaqo ka tagista Dr. Xuseen.
Goobjoog News