U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Dib U Qabsaday Ruunnirgood iyo Deegaanka Hilowle Gaab

Ciidanka Dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa gudaha u galay degmada Ruun-nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab oo dhaca xadka gobolka Shabeellaha dhexe uu la leeyahay gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowaan ciidanka dowladdu ay isaga soo baxeen.

Ciidanka huwanta ah ayaa magaalooyinkaan waxaa ay ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, ciidankaan gudaha u galay magaalooyinkaan ayaa dhowaan waxaa ay ka ambabaxeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lagu soo tababaray Eretria.

Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaannada dhaca xadka uu la wadaago gobolka Galgaduud, ayaa waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidanka dowladdu ay ku doonayaan in ay kula wareegaan goobaha Al-Shabaab ay  kaga sugan yihiin deegaannada Hirshabeelle.

Deegaannada dowlad goboleedka Hirsabeelle gaar ahaan Galbeedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in laga fuliyo dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana xusid mudan in ay kusii qulqulayaan ciidamo badan oo tababarlaga keenay.

Dhaqdhaqaqyada ciidan eek a socda dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, oo halka la sheegay inuu ka hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News