Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.
Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey Al-Shabaab iyo sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa deegaannada lagala wareegay Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha dalka looga saarayo uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga saaro Galmudug.




From the comments