U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Dhagax Dhigay Dhismaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo markii ugu horeysay ay si gaar ah u yeelanayso.

Munaasabadda dhagax dhiga oo  goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Shiikh Muqtaar Rooboow ayaa lagu sheegay in dhismaha xaruntaan ay baahi weyn u qabto wasaaradda,si bulshada loogu adeego.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in qorsha ay ugu jirtay in la dhiso dhismo hab casri ah loo dhisayo oo ay yeelato wasaaradda, si isku tashi ah ay u dhisaneyso iyadoo aan cidnna wax loo weydiinin.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa hadda la deggan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiir Muqtaar Roobow “Lacag dhan 1.15 melyan ayaan u haynaaa dhismaha wasaaradda oo aan cid kale naga caawin,waxaan beeqaamsanay xoogaa yerkii aan lahayn”

Ra’iisul wasaara ku xigeenka Xukuumadda federaalka soomaaliya Saalax Axmed Jaamca oo dhagax dhigay dhismaha wasaaradda ayaa sheegay in wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ay lafdhabar u tahay dagaalka khawaarijta dalka looga xoreynayo muhiimna ay tahay in ay hesho dhismo u gaar oo ay ku shaqeyso.