U bood dhigaalka

Hey’adda SODMA oo Digniin ka soo Saartay Halista Roobabka iyo Duufaanta El Nino

Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Wabiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaas oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad.

Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay farriin digniin ah oo ku aaddan in la ga digtoonaado waxyeellada ka dhalan karta xaaladda El Nino.
Sida oo kale, si ay u yaraato halista ka iman karta, waxa ay hay’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino toddobaadlaha ah ee 28 Sebteembar illaa 4 Oktoobar ee sanadkan 2023.

Toddobada cisho ee soo socota oo ah usbuuca ugu dambeeyo bisha September iyo isbuuca ugu horeeya ee bisha October ee sanadkan waxaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hay’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o.

Roobabka la saadaaliyay gobollada Bari,Sool, Sanaa, waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyey in ay geysan karaan halis heerkeedu sarreeyo.

Bulshada ku dhaqan gobolladaas ayaa loo gu baaqay in ay taxaddar gaar ah ka muujiyaan halista fatahaadda iyo daadadka roobka ka imaan karta.

Dhammaan gobollada kale ee dalka, roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hay’addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaas in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino.

Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda.

Ugu dambeyn, Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ayaa guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan.