Dastuurka, Sharuucda iyo Kala Dhantaalnaanta Sharciyadeed ee Dowladnimada Soomaaliya
Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya collaado oo aan la heyn dastuur ay dadweynaha u codeeyeen ayaa waxay ku jirtaa dadaal ay ku dhameystirayso dastuurka si afti dadweyne loogu qaado. Dastuurka ayaa ah hagaha ugu sarreeya ee hanaanka dowliga ah, waxa uu sheegayaa qaabka loo dooranayo madaxda ugu sarreysa dalka iyo wadashaqeynta heerarka kala duwan ee hey’adaha dalka iyo hanaanka maamul ee dowladda Soomaaliya.
Cutubka koowaad ee dastuurka dalka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay tahay dal ay dowladiisa federaal demoquraadi ah tahay oo dadweynaha dooranayaan matalayaasha iyo madax sare ee dalka. Dhameystirka dastuurka marka laga tago heshiisyada siyaasadeed, codeynta goleyaasha baarlamaanka, iyo aftida shacabka, waxa uu sheegayaa in la dhiso hey’ado dastuuri ah, iyo in la sameeyo sharciyo si dalka u yeesho hey’ado iyo sharuuc illaalisa xuquuqda aadahana.
Dhameystirka dhismaha hey’adaha dowladda ee rasmiga ah, marka laga soo tago unkidda kuwa ay keeneyso hadba cimilada iyo dhaqdhaqaaqa dhaqan dhaqaallaha, waa asaaska habka dhexe ee kala hagaya macaamilka nidaamka dowliga ah, hadaba sheekada qoraalkan waxay qotontaa sida ay u kala dhantaalan yihiin shuruucdii iyo hey’adihii qaban lahaa shaqooyinka dowladda, si ay u fulaan hawlaha dowladda, si hufan oo ay wadashaqeyn qurxan ku dhex mari karto dowladda, muwaadiniinta, iyo dowladda xubnaha ka ah dowladda dhexe.
Dastuurka ku meel gaarka ah ee ka kooban shan iyo tobanka cutub, waxa uu farayaa in la dhameyrtito iyada oo la marayo wadatashi iyo iskaashi, lagana heshiinayo siyaasadda iyo qeybsiga kheyraadka, si loo helo dal leh dowlad ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka saaran muwaadinkeeda.
Cutubka Koowaad ee dastuurka Soomaaliyeed ee ka hadla baaqa jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Qodobka 8-aad, farqada 2’aad ayaa sheegaya in la sameeyo Sharciga Jinsiyadaha oo kala cadeynaya muwaadinimada Soomaaliya.
Ka hor inta aan la qaadan hanaanka federaalka ah muwaadinnimada Soomaaliya waxaa sal u ahaa isirka, waxaana qaadanayay qof walba oo dhiiga Soomaali ka ah, waana sharciga jinsiyada Soomaaliya ee wali jira.
Dad badan waxay walaac ka qabaan isla jaanqaadka hanaanka federaalka ka ah iyo Sharciga Jinsiyadaha. Waa sharci muhiim u ah bixinta kaarka dhalashada iyo cadeynta qofka Soomaaliga ah. Waxaana looga fadhiyaa baarlamaanka Soomaaliya in ay sameeyaan sharciga jinsiyada Soomaaliya.
Soomaaliyaa oo qaadatay hanaanka baahinta awoodda ee federaalka ah dastuurkeeda ku meel gaarka ah waxuu cadeynayaa in caasimadda dalka tahay Muqdisho, waxaase Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa sameynta sharciga Maqaamka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda sida uu qabo qodobka 9’aad.
Cutubka Labaad ee ka hadla xaquuq asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka oo ah cutub aad u dheer faaffaahin xoggana ka bixinaya xaqad muwaadinka, waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo dhawr sharci oo aasaas u ah ilaalinta xaqa aadahana, waa meesha sheegaysa in dowladda Soomaaliya tahay dowlad fursadsiisa muwaadiniinteeda ama mid ku tunta xaquuqda aadanaha ee Allah ku maneeyay qofka aadanaha ah.
Dhawrka sharci ee uu cutubka labaad soo jeediyay waxaa ka mid ah sameynta Sharciga Xaqa Helida Macluumaadka sida uu qabo qodobka 32aad ee dastuurka ku meel gaarka ah Farqada 3’aad. Si la mid cutubkaan waxa uu tilmaamayaa in la sameeyo sharci muhiim u ah macaamilka dowladda iyo dowladdaha kale ee dunida, buddhigna u ah difaacidda xaquuqda aadamiga, waa sharci ay tahay in lagu ilaaliyo xaquuqda maxaabiista ku xiran wadanka gudahiisa iyo kuwa laga soo dhoofinayo dibadda, waa sharciga Isucelinta eedeysanayaasha iyo Dambiilayaasha oo looga fadhiyo baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaan sida uu qabo qodobka 36 add, farqada 2’aad.
Isla cutubka labaad ee dastuurka waxa uu qabaa in la dhiso sharciga Qaxootiga iyo Magangelyada, waa sharci ahmiyad u leh dadka magan doonka ah ee raba in ay soomaaliya ka dhigtaan hoy ay ku ammaan helaan, iyo kuw raba in ay ku soo qaxaan. Qodobka 37’aad, farqada 2’aad ayaa soo jeedineysa in la sameeyo sharcigaan. sharcigaan Golaha Shacabka ayaa anisiyay.
Cutubka Saddexaad waxa uu ka hadlayaa Dhulka, Hantida, iyo Deegaanka waxa uuna soo jeedinayaa dhawr sharci iyo xeerar ay soo saarayaan maamulada dalka, xukuumadda dhexe iyo Baarlamaanka federaalka ah.
Sida ku cad qodobka 43, farqada 3’aad xukuumadda federaalka ah iyo kuwa maaulada dalka waxay sameynayaan xeerar lagu hago badqabka, lahaansha, iyo isticmaalka dhulka. Baarlamaanka Federaalku ayaa soo saaraya Sharciga la haanshaha Dhulka sida ku cad qodobka 43’aad, farqada 4’aad. Dhanka kale cutubkaa waxa uu qabaa in la sameeyo xeerar iyo Sharciyada Qeybsiga Kheyraadka sida uu sheegayo qodobka 44’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Dhawrista deegaanka waa asaaska nolosha aadanaha iyo xayawaanka, dastuurka Soomaaliya waxa uu soo jeediyaa in maamulada iyo dowladda dhexeba ay soo saaraan sharciyo lagu ilaalinayo deegaanka, qodobka 45’aad, farqada 4’aad ayaa qabta in la sameeyo Sharciga Deegaanka. Dhawaan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay sharciga ilaalinta, maareynta deegaanka.
Marka laga soo tago in dastuurka Soomaaliya sheegayo qaadashada hanaanka baahinta awoodaha waxa uu qabaa in dadweynaha ay leeyihiin awoodda dowladnimada ee ugu dambeysa ee ayna dooranayaan madaxda hey’adaha ay u igmadeen fulinta adeegyada.
Cutubka Afraad ee dastuurka waa matalaada shacabka, waxa uu sheegayaa in heerarka dowladda yihiin saddex heer dowladda dhexe, kuwa xubno ka ah iyo dowladaha hoose, waxuuna soo jeedinayaa in la sameeyo sharuuc qayaxaysa hanaanka wadashaqeynta dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah, wadashaqeynta dhey’adaha dowladda dhexdooda saddexda heerba.
Qodobka 47’aad ee dastuurka waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo sharciyo lagu maamulayo Doorashooyinka iyo Axsaabta dalka.
Si loo dhameystiro dastuurka iyo hanaanka federaalka ah, dastuurka waxa uu sheegayaa in la dhiso dowlado xubno ka noqda dowladda federaalka ah, waxa uuna qabaa in si iskood ah ay gobolada iskugu biiraan, si ay u dhistaan maamul goboleed. Si dowladda goboleedka ay xubin kaga noqoto dowladda dhexe waa in la sameeyo sharci, baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo saaraya sharciga tirada iyo xuduudaha dowladda xubnaha ka ah dowladda federaalka ah sida ku cad qodobka 49’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah, sharcigaan wali lama soo saarin, waxaase dhismay 5 maamul goboleed marka lagu daro Puntland oo horay u dhisneyd.
Hanaanka Baahinta awoodda waxa uu dhisay dowlado yaryar oo xubin ka ah dowladda dhexe, waana in ay wadashaqeyn dhexe marto labada heer ee dowladda, mid kor ah iyo mid siman, sidaa tarteed dastuurka ku meel gaarka ah waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo sharciga qayaxaya hanaanka xiriirka iskaashiga heerarka dowladaha federaalka, sida ku cad qodobka 51aad, farxaqada 5.
Dowladda dhexe waxay yeelanay laba gole oo baarlamaan ah, golaha shacabka iyo aqalka sare, wadashaqeynta labada aqal waxay u baahantahay xeer, dastuurka federaalka ah waxa uu sheegayaa in la sameeyo Xeerka Habka Wadashaqeynta Labada Aqal sida uu muujinayo qodobka 57’aad ee dastuurka jamhuuriyada federaalka ah. Si la mid ah xeerka wadashaqeynta labada aqal waxa uu sheegayaa in la sameeyo xeer lagu dhisayo guddiyada wadaaga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ku cad qodobka 62’aad, waxuuna muhiim u yahay fududeynta hawlaha baarlamaanka, waana hawl qabyo u ah baarlamaanka Soomaaliya in uu dhiso guddiga wadaaga ah. Isla cutubkaan waxa uu sheegayaa in labada aqal ay sameystaan xeer hoosaadyo sheegaya sida aqal walba u gudanayo hawl maalmeedkiisa sida ku qoran qodobka 66’aad, farqada 3’aad, iyo qodobka 75’aad farqada koowaad, labada aqalba waxay sameysteen xeer hoosaad ay ku hawlgalaan.
Cutubkaan waxa uu sheegayaa in la sameeyo Sharciga Xasaanada Xildhibaanada sida uu soo jeedinayo qodobka 70’aad, farqada 4’aad ee dastuurka Soomaaliya.
Kala qeybinta awoodaha dowladnimada oo saldhig u ah hanaanka awoodda shacabka si uu u dhameystirmo, Cutubka Sagaalaad ee dastuurka waxa uu soo jeeda in la dhiso golaha adeega garsoorka kaas oo ka madax baneynaya hey’adda Garsoorka, Baarlamaanka iyo Laanta Fulinta. Dastuurka federaalka ah qodobka 105’aad farqada 2, waxay qabtaa in la dhiso hey’adda garsoorka, baarlamaanka federaalka Soomaaliyana uu soo saaro sharci qayaxaya Qaab Dhismeedka Garsoorka. Lagamana heshiin qaabdhismeedka Garsoorka Soomaaliya, baarlamaanka Soomaaliyana ma soo saarin sharci, waxayse baarlamaanka gudbiyeen sharciga lagu dhisayo golaha adeega garsoorka.
Hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ah in ay helaan dowlad gob ah, oo leh hey’ado salfadhiya oo aysan fududeyn in qolo afduubto, waxay u baahantahay in la dhiso gudiyo madax banaan, iyo hey’ado aan aheyn golaha wasiirada, baarlamaanka, iyo garsoorka kuwaa oo bixiya adeegyo dowladeed, oo dheeli tiran. Cutubka Tobnaad ee dastuurka waxa uu soo jeedinayaa in la dhiso dhawr guddi oo madax banaan, oo Heer Federaal iyo Heer Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, waajibaadkooda, xilkooda, iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa xeer ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 111A waxa uu sheegayaa in la sameeyo sharciga dhismaha Golaha Adeega Garssoorka, 30 Juun, 2014, Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ansixiyay sharci lagu dhisayo golaha adeega garsoorka, waxaanse wali la dhisin guddiga adeega garsoorka Soomaaliya.
Cutubka koowaad ee dastuurka waxa uu soo jeediyay in la sameeyo gudi ilaaliya xuquuqda aadamiga, qodobka 111 farqadiisa B ee dastuurka Iyana waxay qabtaa in la dhiso Guddiga Xuquuqda Aadamiga, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 6 Juun, 2016 ansixiyay Sharciga dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, walise waxa laalan sameynta guddiga.
Soomaaliya oo ah dal dowladnimadiisa ay tahay mid curdun ah, ayna dhisneyn hey’adihiisa maaliyadeed oo hufan, waxaa lafdhabar u ah hufnaanta dhaqaalaha dalka, dhismaha Gudiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu qabo qodobka 111’aad, farqadiisa C oo qabta in la dhiso gudi madax banaan, Baarlamaanka Soomaaliya waa uu meel mariyay sharciga dhisida Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa, baarlamaanka Soomaaliya waxa uu soo saaray sharci lagu dhisayo guddiga la dagaalanka musuqa 5 December, 2018, waxaanse wali la dhisin guddigii qaban lahaa shaqada.
Maadaama dastuurka uu siinayo dadweynaha awoodda ugu dambeysa, qodobka 111 farqadiisa G waxay qabtaa in la sameeyo sharciga dhismaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka. Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ansixiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, 11 Feebaraayo, 2025, waxaana la dhisay guddiga, waxaase kala diray madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxayse sharciyqaanada wax iska weydiiyeen hanaanka loo maray kala dirista guddiga.
Hanaanka baahsanaanta awoodaha ee federaalka ah waxay dhistay maamul goboleedyo xubno ka ah dowladda dhexe, halkaa waxaa ka dhashay sameysanka xuduudo ay yeelanayaan dhexdooda, hadaba dastuurka federaalka ah qodobokiisa 111’aad farqadiisa E waxay soo jeedineysaa in baarlamaanka federaalka ah sameeyo Sharciga Dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, waxuuna sharcigaan ka mid noqday sharuucda la sameeyay 22 December, 2014, wallow guddigii uu kala diray madaxweynaha Jamhuuriyada.
Qodobka 111 farqadiisa (I), waxay soo jeedineysaa in la dhiso dhismaha guddiga runta iyo dib u heshiisiinta, baarlamaanka Federaalka ahna ay soo saaraan sharci sheegaya awoodaha iyo xilalka guddiga. Guddigaan Lama dhisin.
Sidoo la mid ah Qodobka 111 ee dastuurka farqihiisa D, F, H, J, waxay qabaan in la sameeyo sharciyo lagu dhisayo guddiyo madax banaan oo masuuliyaadkooda iyo waajibaadkooda cadeynayaan sharciyo ay soo saaraan baarlamaanka, waxaana ka mid ah sharciyada la soo saarayo; Sharciga dhismaha guddiga adeega Baarlamaanka, Sharciga dhismaha Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha, Sharciga dhismaha Gudiga Ammaanka Qaranka, Sharciga dhismaha Xafiiska Gardoonka Dadweynaha, sida ay iskugu xigaan. Dhammaan guddiyada qeybtaan ku xusan ma sameyn sharciyadii lagu dhisi lahaa.
Isla cutubka tobnaan, qodobka 114 ee dastuurka, waxaa ku xusan in dowladda yeelato xafiisyo guud oo madax banaan kuwaa oo bixinaya adeegyo dowladeed, lehna awood ay ku korjoogteeyaan hey’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin, si loo helo awood dowladeed oo isku dheeli tiran. Qodobkaan waxa uu soo jeedinayaa in baarlamaanka Soomaaliya soo saaro sharciyo cadeynaya awoodaha iyo kaalimaha Xafiiska Garyaqaanka Guud, xafiiska Hanti Dhawraha Guud, Sharciga dhismaha xafiiska Xisaabiyaha Guud. Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay sharciga Hanti Dhawrka Guud ee Qaran, kadib mudo dheer oo uu sharcigaan ku noqnoqanayay xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka.
Sharciga Xadidiya Shaqaalaha ka Reeban Siyaasadda, baarlamaanka Soomaaliya waxa uu soo saarayaa sharci lagu xadidayo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ee ay ka reeban tahay in ay qeyb ka noqdaan ururo siyaasadeed, dalka waxa uu qaatay hanaan baahinta awoodda oo dadweynaha ay leeyihiin awoodda ugu sareysa, ayna dooranayaan hogaamiyaasha iyo dadka ku matalaya siyaasadda, hadaba si la iskugu dheeli tiro awoodda meesha looga saaro eex baarlamaanka ayaa soo saaraya sharci lagu xadidayo qeybaha shaqaalaha dowladda ee ay ka reeban tahay in ay xisbi ka mid noqdaan sida ku cad qodobka 118, farqadiisa, 3’aad. Sharcigaan wali ma uusan soo bixin. Isla cutubkaan waxaa ku arkaysaa in baarlamaanka Soomaaliya soo saarayo Sharciga Shaqaaaha Rayidka ah sida uu soo jeedinayo qodobka 119’aad, farqadiisa 2’aad. Hada waxaa lagu shaqeeyaa sharciyo la sameeyay dowladdii dhexe iyo dowladihii ku meel gaarka.
Dowladda dhexe awoodaha uu dastuurka u gaaryeelay, waxaa ka mid ah lacagta, waxaana maamulaya lacagta Bangiga dhexe, Baaralamaanka waxa uu meelmarinayaa sharciga Dhismaha Bangiga Dhexe, sida ku cad qodobka 123, farqada 1’aad. Si la mid waxaa la soo saarayaa Sharciga Heykalka Maamulka Maaliyada, sida uu qabo qodobka 124’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah. Waxaa kale oo dastuurka soo jeedinayaa in la curiyo oo la meelmariyo Sharciga dhismaha Hey’adda Keydka Qaranka, sida ku xusan qodobka 125 ee dastuurka. Dowladda Soomaaliya waxay sameysay sharciga lacag dhaqista, iyo sharciga xayiraada cayiman.
Soomaaliya oo dhawaan qaadatay hannaanka daadajinta awoodaha, waxay u baahantahay in la sameeyo Sharciyo Hey’adaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin sharciga booliiska, nabad sugida, asluubta iyo ciidanka xoogga, socdaalka, dhammaan horay waxay u la haayeen sharciyo dowladdii dhexe, hadana waxaynu qaadanay hanaanka dowladnimada baahsan ee awoodaha loo qeybiyay labo ilaa saddex heer, dastuurka ku meel gaarka ah qodobka 130’aad ee Cutubka afar iyo tobnaad, waxa uu dhigayaa in la sameeyo Sharciga hey’adaha Ammaanka, wadashaqeynta dhexdooda ah, heerarka, masuuliyaadka iyo waajibaadka qeyb walba cadeynaya. Dhawaan baarlamaanka Soomaaliya waxa uu meel mariyay sharciga dhismaha hey’adda nabad sugida, iyo hey’adda socdaalka. Baarlamaaka Soomaaliya waxuu meel mariyay sharciga la dagaalanka argagixisada.
Dastuurka ku meel gaarka ah si uu kaga baxo kumeel gaarnimada waxaa la marinayaa hanaan dheer oo dhawr waji leh, oo ay ku jiraan helida heshiis siyaasadeed, codka golaha baarlamaanka, aqbalaada dadweynaha, iyo saxiixa madaxweynaha, kadiba waxaa lagu faafinayaa faafinta rasmiga ah sidaasna waxa uu ku noqonayaa dastuur rasmi ah. Hadda si afti dadweyne loogu qaado dastuurka waxay baarlamaanka soo saarayaan Sharciga Aftida Dadweynaha, sida ku cad qodobka 141’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah.
Heykalka dowladnimada waxaa xoojinkara sharciyo, haga hey’adaha dowladda, Soomaaliya waxay kaga bixi kartaa qaska iyo maamul xumada in ay hesho hey’ado dowladeed oo sharciyo dhameystiran leh. Mar walba dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka wax ka badal ayaa lagu sameyn karaa, waana shaqo qulqul ah oo aan dhammaad la heyn, waxayna la jaanqaadeysa nolosha aadanaha iyo isbedalka ku dhacaya koonka dowladnimada.
In xeerarka la Federaaleeyo, dib u eegis lagu sameeyo lana dhameystiro sharciyada, dhismaha hey’adaha dastuuriga ah ee aasaasiga u ah shaqada dowladnimada Soomaaliya, waa qandho jabiyaha koowaad ee lagu lagu dhufan karo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waana mida keliya ee dhisi karta dowlad dimoquraadi ah oo ku shaqeysa hannaanka federaalka ah oo dheeli tiran.
Qore: Hassan Mohamud