U bood dhigaalka

Soomaalidu: Sidee Uga Badbaadi Kartaa Uguna Diyaar Garoobi Kartaa Duufaanta El Niño?

Sheeko:Dalka

Hay’adaha caalamiga ah iyo qaarka mid dawladaha Geeskuba waxa ay ka digayaan isbeddel cimileed oo khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño.

Meelaha xeebaha iyo dhulka Wabiyada ee Soomaaliya ayaa ka mid goobaha khatartaas wajihi kara, xilli sidoo kale lagu dhawaaqay in laga fogaado dhulka Dooxooyinka ah.

Marka taas laga tago muddooyinkii u danbeeyey isbeddelka cimillada oo adduunka oo dhan saamaynaya ayaa laga qaylo dhaamiyay oo dhibaatooyin badan laga wajahayaa.

Soomaaliya meelaha si gaar ah loo saadaalinayo  ayaa ah dhulka xeebaha ah,  dadka ka ag dhaw meelaha webiyadu maraan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Magaalooyinka Beledweyne, Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha wasaaradda cimillada iyo deegaanka Soomaaliya ay si gaar ah uga digayso in ay saameyn karto.

Sidoo kale magaalooyinkii markii horeba caanka ku ahaa fatahaadaha iyo daadadka ayaa iyana la saadaalinayaa in ay la kulmi karaan isbeddel cimileedka El Niño.

Dadka deggan meelaha khatarta ka dhici karto waxaa ugu muhiimsan ee lagula taliyo ayaa ah inay helaan xogta isla mar ahaantaana la socdaan fariimaha ka imanaya dawladda iyo hay’adaha ay khusayso.

Arrimaha muhiimka ah in la fuliyo marka aad khatarta El Niño dareento waxaa kamid ah:

Ka bax gurigaaga haddii aad dareento in ay khatar  tahay: Haayadda Ttravel insurance ayaa ku doodaysa in qofku kolka uu ogaado in dhismuhu khatar yahay ay lagama maarmaan tahay in uu ka baxo.

Sii qaado waxyaalaha muhiimka haddii aad ka baxdo gurigaaga: Haddii ay qasab noqoto in aad ka baxdo gurigaaga, sida ay soo jeediyeen waaxda ka hortagga masiibooyinka ee Maraykanka, isku day in aad sii qaadato qalabyadan muhiimka ah:

• Saddex maalmood oo cunto iyo biyo ah

• Daawooyinka muhiimka ah

• Toosh

• Baytariyada dabka

• Lacag

• Qalabka gargaarka degdega ah ‘haddii aad haysato’

Calaamadayaso goobta badbaadada: Haddii ay kugu qasabto in aad guurto ama ka baxdo hoygaagii waa in ay kuusii qorshaysnaataa halka aad aadi doonto, si aanay marka u danbaysa xaalad lama filaan ahi kuu qabsan.

Ugu dambeyn talo saarashada Alle Waa talada ugu weyn Ee Aan bixino.

W/Q/ Salmaan Bashiir