U bood dhigaalka

Soomaaliya Maka Guulaysan Kartaa Shabaab Iyada oo aan Helin Xulufo, Kuna Jirta Chapter VII?

Sheeko:Qormooyin

Muddo sanad ah ayay dowladda Soomaaliya kaligeed ku jirtaa dagaal ka dhan ah kooxda Shabaab oo muddo 20 sano ah dhaqaale iyo hub uruursi ku jirtay. Waxaa xusid mudan gulufkan waxaa ay qaadday Soomaaliya iyada oo aan heysan xulufo dowli ah, taas oo ay u dheertahay in ay saaran tahay cunaqabateyn hubka ah oo golaha ammaan uu ku hayo Chapter VII, dhaqaalaheeda oo dunida ay kabto oo aan is bixin karin iyo arrimo kale.

Haddaba, Sidan Ma looga Adkaan Karaa Al-Shabaab?  

Dowladda Soomaaliya oo ka duulaysa iskaashi ciidan oo dhex mara ciidamada qalabka sida iyo Macawisleyda deegaannada ayaa ku guulaysatay in ay Shabaab ka qabsato inta badandowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle oo dhaca waqooyiga caasimadda Muqdisho, iskaashigaasi waxaa uu horseeday in Khawaarijta laga qabsado in ka badan 170 deegaan oo dhaca Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Sidaasi oo ay tahay ciidamada dowladda waxa ay kasoo baxeen deegaanno iyo degmooyin ay qabsadeen sababo la xiriira tabo dagaal, taasi oo sii dheereyn doonta soo gabogabeynta wejiga hore ee dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero weydiisatay wadamada dariska hore oo ah kuwa koobaad ee ay saameynta togan ama taban ee dagaalka Al-shabab uu ku yeelanayo, waxaase muuqata in aysan Soomaaliya helin jawaabtii loo baahnaa. Waxaase xusid mudan in dowladda ay taageeo koobaan oo dhanka cirka ah ay ka hesho dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkey iyo Imaaraadka.

Si la mid ah, xilligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ay dowladda qaadday guluf ka dhan ah Shabaab, muddadan oo kale ayaa lagu qabtay ilaa 27 degmo oo Koonfurta Soomaaliya ah, xilligiaasi AMISOM iyo xoogga dalka ayaa iskaashanayay, waxaa kale oo jirtay maalgelin caalami ah, dhammaan degmooyinka la qabtay lagama soo bixin oo AMISOM ayaa saldhigyo ka dhigatay.

Hadda, ciidanka Soomaaliya oo dhismo ku socdo marka laga soo tago, waxaa jiro dhaqaale xumo iyo iyada oo aanay jirin xulufo, waxaa intaas oo dhan ka daran cunaqabataynta hubka iyo saameynta taban ee Chapter VII, arrimahan oo dhami waxaa ay su’aalo gelin karaan suuragalnimada in laga dhabeeyo filashada madaxda Soomaalida oo bulshada u sawira guulo.

Saameynta Sooyaalka Chapter VII

Chapter VII waa 13 qodob oo u dhaxeeya 39-52, waxaana loo adeegsadaa xaaladaha ay jiraan arrimo khatar ku ah amniga, nabadda iyo dulaanka. Dalka Kujira Chapter VII waa dal ay maamulaan golaha ammaanka, mana dhameystirno qarannimadiisa.

Soomaaliya waxaa ay Chapter VII ku jirtay tan January 1992-dii kolkaas oo uu golaha ammaanka soo saaray qaraarkii 733, go’aanna  ku gaaray in cunaqabateyn hubka ah la saaro,  isaga oo dalal ugu baaqay in Soomaaliya aan la geyn wax hub ah, lana hurin colaadaha jira.

Inkasta oo mar la qaaday March 2013-kii hadana sanad kadib waxaa lagu celiyay sidii hore, waxaa ayna taasi keentay in dowladda aanay hub helin halka kooxda Shabaab ay hesho hub sharci darro ah.

Qaraarkii ugu dambeeyay ee uu golaha ammaanka soo saaray September 7, 2023 waxaa ku sugnaa in Soomaaliya ay weli khatar ku tahay amniga iyo nabadda gobolka iyo caalamka iyada oo loo sababeynayo tabar la’aanta dowladda,  Shabaab, dambiyada ka gudba xuduudaha, ka ganacsiga dhuxusha, ayna kusii baaqi ahaaneyso Chapter VII, xataa midkii 2022-kii waxaa loo ogolaaday hub yaryar oo amniga lagu sugo, oo Booliiska isticmaalaan.

Arrimahan oo dhami waxaa ay Soomaaliya ka hor istaagayaan in hub culus soo iibsato, iyada oo Shabaab kala hor tagaysa hub fudud oo iyaguba ay heystaan, taasina waxaa ay adkeyneysaa, dib u dhigi kartaa ama wiiqi kartaaba guul kasta oo la gaari lahaa.

Awoodda Shabaab

Al-shabaab oo ah koox diini ah, oo ka howlgasho Soomaaliya tan iyo 2004-tii, weli dhul badan oo Koonfurta ayay gacanta ku hayaan, waxaa ay helaan dakhli badan oo ugu yaraan lagu qiyaasay 100 Milyan oo Doolar sanadkii, lacagtaasi oo inta badan ay hub kusoo iibsadaan. Si awoodooda loo wiiqo waa in la helo caqiido dagaal, tiro iyo tayo ka badan.

Mareykanka waxaa uu 20-kii sano ee la soo dhaafay galay labo dagaal oo waaweyn oo ka dhan kooxaha Islaamiyiinta ee Al-Qaa’ida iyo Daacish.

Kooxda Alqaa’ida oo ku sugnayd Afgaanistaan si uu ula dagaalamo waxaa uu kaxeysay 27 dal, 20 sano ayay NATO oo ogolaanshiyo ka heysata golaha ammaanka ku sugnaayeen dalkaasi, sidaasi ay tahay natiijada ma noqon mid ka farxisa.

Dagaalka kale ee Daacishta ku sugnayd Ciraaq iyo Suuriya, Mareykanka waxaa uu horkacayay xulufo ka kooban 14 dal, waxaa intaa dheeraa dalal kale oo iskood u beegsanayay Daacish sida Iiraan, Ruushka iyo qaar kale.

Kahor  9, 2017, xulafada duqeymaha ay Ciraaq ka fuliyeen waa 13,331 halka Suuriya ay ahayd 11,235 oo isku darka ah 24,566.

Kooxaha sidaan oo kale ah, oo aan loo heysan xulufo, hub iyo dhaqaale ku taageera Soomaaliya, aad ayey u adag tahay in si fudud looga adkaado, waana yar tahay in kooxo duurka ku jira la ciribtiro marka laga reebo kuwa ay ka midyihiin Tagers of Tamil ee dalkaasi Sri Lanka kuwaas oo hogaamiyahoodii iyo 90% ciidankii la laayay, waxayna ku timid iskaashi dowlado.

Baahi Degdeg ah:

Si, Soomaaliya ay uga guulaysato Shabaab waa in labo mid ah heshaa (1) Haddii keligeed ay dagaalayso waa in laga qaado cunaqabateynta hubka, oo beesha caalamka ay siiso dhaqaale, oo lagu kabo tababar iyo tashiilaad kale. (2). Haddii kale waa in dagaalkan loo arko mid caalami ah, oo wax badan u taraya amniga iyo bedqabka caalamka, lana helo xulufo caalami ah, oo dhulka iyo cirka ka taageero ciidamada Soomaaliya. Haddii labadaasi la waayo waa ay adkaan doontaa in guul si fudud lagu helo.

Goobjoog News