U bood dhigaalka

Haweeney Ku Xukuman 12 oo Xabsi ah oo Ku Guuleysatay Nobel Peace Prize Sanadka 2023

Narges Mohammadi oo u dhalatay dalka Iran dhowaana xabsiga la dhigay, taas oo u ololaysa xuquuqda aadanaha ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2023, arrintaan ayaa si weyn baraha iyo warbaahinta u qabsatay.

Guddiga Nobel-ka Norway oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ms Mohammadi, oo 51-jir ah, lagu sharfay la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Iran, waxaana lagu xasuustaa in marar badan la arkay iyada oo u doodeysa arrintaas.

Halgankeeda waxa uu ku yimid “naf hurnimo aad u weyn”, Waxaan rajaynaynaa in aan fariinta u dirno dhamaan haweenka aduunka ku nool ee ku nool xaaladaha si nidaamsan loo takooro” ayey sheegtay guddoomiyaha guddiga Berit Reiss.

Ms Mohammadi ayaa hadda 12 sano oo xarig ah ku qaadaneysa xabsiga caanka ah ee Evin ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tehran, waxaana arrintaan ay ku soo aadaysaa xilli haweeynadaan aad loogu amaanay dadaalka ay waday.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in abaal-marintan ay tahay mid “eex ah” oo waafaqsaneyn sharciga  “faragelinta iyo siyaasadaha ka dhanka ah Iran ee dalalka Yurub qaarkood” ayaa lagu xusay nuqul ka mida hadalka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dowladda Iran in ay sii deyso Ms Mohammadi isagoo ku amaanay geesinimadeeda, halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in ay tahay “Dagaalyahan xornimo doon ah”.

Abaalmarinta Nobel Prize  ah oo loo yaqaan ‘Nobelpriset;: Nobelprisen ayaa ah lix leyliska caalamiga ah ee sannadlaha ah ee loo yaqaan’ Swedish ‘iyo’  Norwegian ‘, ee lagu abaalmariyoamashaqsiyaadka gacan ka geysta  horumarinta sayniska, dhaqaalaha iyo nabadda.

Goobjoog News