U bood dhigaalka

Danjire Warfaa oo Addis Ababa ku Qaabilay Safiirada Jaamacada Carabta iyo Germany ee Ethiopia

Sheeko:War

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa Addis Ababa ku qaabilay safiirka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia Mudane Ambassador Dr. Walid Hamed iyo safiirka Germany ee Ethiopia Ambassador Spephan Auer.

Labada Danjire ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta Amb Cabdullaahi Warfaa iyo Amb Dr. Walid Hamed ayaa kulankooda uga wada hadlay kobcinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, waxaana Ambassador Walid uu sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay Dawladda Soomaaliya garab buuxa ugu siin lahaayeen dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Docda kel, danjire Warfaa ayaa kulan is-afgarad kusoo dhamaaday la yeeshay safiirka Dawladda Germany ee Ethiopia , iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, waxayna isla qaateen in Dawladda Germany ay mashaariic maalgashi ka fuliso Soomaaliya, isla markaana ay sii dar-dar geliso arrimo badan oo ay xiligan ka caawiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooj News