U bood dhigaalka

Madaxweyne Jamhuuriyadda oo Safar Ugu Ambabaxay Eritrea iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Xoogga.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka, sida lagu sheegay bayaan Villa Soomaaliya lagu baahiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh safarkiisa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalkaas ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan oo xoogga dalka, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay dalkaasi, waxaana lagu wadaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Dhowaan waxaa dalka Ereteriya dib uga soo laabtay ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo qeyb ka ah dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee deegaannada Hirshabeelle, waxaana ay ku sugan yihiin deegaanno gobolka Shabeelle dhexe ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa muddo sedex bil ah ku sugna gudaha Dhuusamareeb, halkaas uu ka hoggaaminayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, oo deegaanno badan looga saaray oo Hirshabeelle iyo Galmudug ah.

Goobjoog News