U bood dhigaalka

Duqeynta Gaza, Masoo Dedejin Doontaa Masharuucii Falastiiniyiinta Loogu Rarayey Dal Kale?

Sheeko:Qormooyin

Israel ayaa duqeyn xooggan ka fulinayso Gaza kadib weerarkii ay Xamaas ka fuliyeen goobo ay Israa’iiliyiintu ka degan yihiin hareeraha magaalada Gaza horraantii todobaadkan.

Khasaaraha, dhanka Isra’eil waxaa la sheegayaa 1,200 oo u badan shicib, dhaawacuna uu kor u dhaafay 3,000, halka duqeynta diyaaradaha Isra’il ay dileen ilaa hadda in ka badan 1,000 oo Falastiiniyiin ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Sida ay UN-ka sheegayaan in ka badan  200,000 ayaa ku barakacay gudaha Gaza kuwaas oo 10%  ka ah dadka ku nool Gaza oo gaaraya in ka badan labo milyan. Korontada, biyaha iyo cunnada ayaa gabaabsi ah, waxaana laga digayaa in ay ka dhabeeyaan sheegidda ah in ay lug ahaan kusoo weeraraan ay uga dari doonto xaaladda banii’aadnimo iyo waxyeellada rayidka.

Arrimahan dhacaya waxaa barbar socda dunida oo kala qeybsan, reer galbeedka oo leh Israeil waxaa ay ku jirtaa dagaal xaq ah, taasi oo sharciyad siinaysa wax walba oo ay ka sameeyaan iyo dalal bariga ah oo leh reer Gaza waxaay ay go’doon ahaayeen muddo dheer, in ay is difaacaana waa sharci. Laakin labadaasi ra’yi dhexdooda iyo Hamaaz oo ah jabhad hubeysan waxaa khatar galaya nolasha malaayiin rayid ah.

Khubarada Israel waxaa ay ku sheegeen in Tal aviv ay soo afjari doonto guud ahaan Hamaaz ayna gudaha u geli doonto magaalada Gaza, taasina waxaa ay keeneysaa in la isweydiiyo halka ay aadaan dadka halkaasi ku nool, waxaana soo ifbaxay in fursaddan ay tahay middii ay Israael sugaysay 60 sano ah oo ah in Falastiiniyiinta ay dal ka helaan bariga Webiga Urdun(Urdun) ama Sinaay(Masar).

Ra’yiga in Falastiiniyiinta loo raro Urdun: Urdun iyo Falastiin waxaa wada xukumayay boqorka Urdun wixii ka horeeyay sagaameeyadii qarnigii hore, iyada oo boqorka uu kala saaray laba maamul 1987, taasina ay u gogol xaartay mashruuca dowladda Farlastiin 1988.

Ariel Sharon ayaa fikraddan ma bilaabay 1882-dii isaga oo u sababeeyay in boqorka Urdun ka talin jiray labada daan ee webiga si toos ah inta u dhaxeysay 1950-1967, waxaa ayna firkadda ah in Falastiiniyiinta loo raadiyo dhul kale ay soo noqnoqotay muddo dheer.

Keliya qorshaha dhul  ama dal kale oo ay deefaan loogu raaciyo dadka Falastiiniyiinta ah kuma koobna Urdun, ee waxaa marar badan lagala hadlay madaxda Masar, weliba  ilaa saddex madaxweyne oo kala duwan.

Markii ugu horreysay Israel ayaa usoo jeediyay Masar in ay siiso ilaa 1,000 KM oo ka tirsan dhulka Siinaay, firkaddan oo ay hor dhigeen madaxweynihii hore Xusni Mubaarak, waa uu iska diiday.

Goobjoog News