U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dhiggiisa Taliyaaniga Kula Kulmay Magaalada Roma

Sheeko:War

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga xorreynaayo Al-shabaab.

Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo xiriirka soo jireenka ah.

Guddoomiyaha ayaa kulankawaxaa  ku weheliyay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay.

Goobjoog News