U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed iyo Dhaqdhaqaaqyada Ka Socda Ee u Diyaar Garowga Wajiga Labaad

Sheeko:War

Xilli dhowaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftgareen uu ku dhowaaqay in la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab ee deegaannada maamulkaas ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga golleeyahay bilaabashada  howlgalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha federalka ku matala Koonfur Galbeed ayaa gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka socdaan abaabulka howlgalka wajiga labaad oo laga bilaabayo deegaannada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu ballamaya wajiga labaad in laga fulin doono.

Marka la eego degmooyinka dhaca gobollada Baay, Bakool, iyo Shabeellaha hoose ayaa intooda badan kala xiran oo waxaa kala gooyay Al-shabaab, waana maamulka deegaannada ugu badan ay kaga sugan yihiin, marka laga reebo Jubbaland oo ka badan  oo ay kooxdu ka joogto xitaa caasimadda Bu’aale.

Abaabulka howlgalka wajiga labaad ee dagaalka kooxda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli 8 dufcadood oo ciidanka Daraawiishta maamula loo soo gabagabeeyay tabarro, waxaana ay ka qeyb qaadan doonaan sidii la isugu furi lahaa deegaannada mamaulka oo intooda badan aan isku gudbi karin oo kala iran.

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xasarad siyaasadeed oo ka dhalatay khilaafka ayaa waxaa arrintaas ka hadlay madaxweynaha Jahuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay in doorashooyinka ay ka dhici doonaan maamullada Nuvember 2024, taas oo ku cad heshiiskii golaha wadatashga qaranka.

Xubnaha mucaaradka samatabixinta Koonfurta Galbeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ugu baaqay madaxweynaha in la fuliyo heshiiskii lagu gaaray Baydho, xilli Madaxweynuhu uu carabka ku dhuftay in Koonfur Galbeed dagaal ay u jiheysatay xilligaan madaxweyne Laftagareen uu hoggaaminayo dagaalka.

Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada ka bilowday ayaa imaanaya xilli wajiga koowaad ee dagaalka ee laga fulinaayo deegananada Hirshabeelle iyo Galmudug uu marayo heerkii ugu dambeeyay, iyadoo loo dhaqaaqay wajaga labaad ee dagaalka ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Goobjoog News