U bood dhigaalka

Agaasimihii Warbaahinta Somali Cable Tv oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa caawa qarax ka geystay maqaayadda Blue Skay oo ku talla meel aan ka fogeyn Taallada Xaawa Taako, goobta ayaa sidoo kale ah Koontrool laga hubiyo Madaxtooyada.

Weerarka ayaa  sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadkii goobta ku dhintay kamid ahaa agaasimihii watbaahinta Soomaalia Cable Cabdifitax Macalin Nuur Qeys oo geeriyooday.

Majiro war kasoo baxay Booliiska oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana muddooyinkii dambe deganaa jawiga caasimadda oo aan qaraxyo nuucaan ah ay ku yaraayeen xilli October lagu jiro.

Goobjoog News