U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Dhagaxdhigay Wadada Isku Xirta Waabari iyo Xamarjajab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir  ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow.

Wadadaan ooh ore dhismo loogu sameeyay ayaa burburtay, iyadoo  isku xerta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in bilicda caasimadda ay ka qeyb qaadanayoso dhismaha wadadaan oo ku taallo marin muhiim u ah isku xirka dalka iyo gaasiidka.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi. Iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu kula dar-daarmay shacabka Degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan Bilicda, Nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa muddadii uu joogay xafiiska gobolka waxaa uu hirgeliyay dhimayaasha Wadooyin dhowr ah oo dhaca caasimadda, kuwaas oo la hirgeliyay qaarna wali ay dhismayaal ay ku socdaan .

Goobjoog News