U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Swedan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Mudane Joacim Waern oo dowladdiisa u soo magacowday Soomaaliya inuu ku matalo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal ka dhaxeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay sidii dowladiisa ay door weyn kaga qaadan lahayd in dalalka caalamka Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiran sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab oo deegaanno badan laga saaray.

Dowlada Sweden ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya waxaana labada dhinac ay la leedahay xiriir soo jireen ah, kaas oo muddo soo dhisnaa, Sweden ayaa mashaariic dhowr ah ka fulisay Soomaaliya kuwaas oo la xiriiira arrimo bulshada safiirkaan ayaa kamid ah kuwa sanadkaan soo gaaray Soomaaliya.

Goobjoog News