U bood dhigaalka

Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay kulanka MD Xasan Sheekh & Wasiirka Difaaca Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka  Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay  xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. 

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Safarka wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu dhowaan ay ku dhawaaqday in howlgallo ka dhan ah Al-shabaab lagu qaadi doono deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la qorsheeyay in laga qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkaan dambe lahaa xiriir wanaagsan, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhanka amniga, ganacsiga iyo isku socda muwaadiniinta, waxaana Aadan inta uu