U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda XFS Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Shirkii Kusoo Idlaaday Baqdaad

Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uga qeyb galay fadhiga 39-aad ee Gollaha Cadaaladda Carabta oo markii ugu horeysay lagu qabtay magalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

In shirkaan lagu qabto dalka Ciraaq, dowladda Soomaaliya-na uga qebgasho heer Wasiir ayaa mudan in si gooni ah loo dul istaago, marka la fiiriyo duruufaha amni iyo siyaasadeed ee ay soo martay Dowladda Ciraaq oo sanado ka hor ayna suuragal ahayn in shir noocaan oo kale ah lagu qabto sababo la xiriira dagaalkii iyo weerarradii ka dhicayay oo aan suurtogal ka dhigeyn..

Ka qeyb galka shirkaan ee Wasiirka Cadaaladda iyo xubnaha ka socda Garsoorka dalka ayaa wax wayn uga dhigan Soomaaliya maadama ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay wadaagaan duruufo ay ugu horeyso argagaxisada dhibaatada wayn gaarsiisay shacabka labada dal.

Soomaaliya ayaa hada doonaysa inay waaya aragnimo ka qaadato dagaallada iyo dadaallada dalka Ciraaq looga xoreeyay ururada argagxisada iyo soocelinta amniga iyo kala danbeynta iyo dhisida hay’ado garsoor ee awoodda leh, si aan uga faa’iideysanno dal ahaan oo annaguna aan isaga xoreyno Khawaarijta.

Inta shirku socday, waxaa la’is dhaafsaday doodo la xiriira sharciyada muhiimka u ah wadamada jaamacadda Carabta oo ay ugu horreeyaan sharciga dagaalka argagaxisada ee wadamada carabta, sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharciga ka hor tagga lacag dhaqista iyo danbiyaynta in madax furasho la siiyo kooxaha argagaxisada.

Wasiir Xasan Macalim oo khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay ujeedooyinka iyo tiirarka barnaamijka xukuumada Dan qaran iyo dadaallada uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ay Soomaaliya ku bixineyso la dagaallanka Al-shabaab oo looga saaray deeganno badan.

Goobjoog News