U bood dhigaalka

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Muqdisho Ku Soo Dhoweeyay Dhiggiisa Dalka Kenya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale oo safar kusoo gaaray caasimadda Muqdisho.

Aadan Barre ayaa kulan  wadatashiyo ah la qaadan doona wasiir Jaamac ku aaddan iskaashiga iyo sidii loo dardargalinta howlgallada Al-shabaab ee deegaannada Jubbaland oo wajigaan ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo heshiis la galay dowladda

Safarka wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu dhowaan ay ku dhawaaqday in howlgallo ka dhan ah Al-shabaab lagu qaadi doono deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la qorsheeyay in laga qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.

Dowlada Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkaan dambe lahaa xiriir wanaagsan, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhanka amniga, ganacsiga iyo isku socda muwaadiniinta, waxaana Aadan inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulan la qaadan doonaa madax kale duwan oo dowladda ah.

Goobjoog News