U bood dhigaalka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah  ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya gaar ahaan howlgalka  ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee uu hormuudka ka yahay Madaxwaynaha Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta uu socdo shirka waxaa  lagu soo  hadal qaadi doonaa   arrimaha siyaasada ee taagan ,waxaana intaas badan xoogga lagu saari doona amniga dalka iyo ciribtirka kooxda Al- Shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing iyo ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS ayaa Golaha ammaanka khudbad ka jeedin doona.

Labada mas’uul ayaa warbixinadooda uga hadli doono xaaladda Soomaaliya, si ay golaha ula wadaagaan arrimihii ugu dambeeyay ee soo kordhay iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab.

Mohamed El-Amine Souef ayaa lagu wadaa inuu golaha la wadaago dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in muddo 90 cisho ah la hakiyo dhimista 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS, codsigaas oo ay dowladda u gudbisay golaha.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli dalka uu ka socda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab kaas oo ujeedkiisu uu yahay in lagu ciribtiro kooxda.