U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo Dhaqanka iyo Waxgaradka Koonfur Galbeed Kala Hadlay Dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha dowladda dagaalka Al-shabaab ee ka bilaabnaya deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo waiga labaad looga dhawaaqay dhowaan.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka  sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-shabab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey  ee Hirshabeelle iyo Galmudug oo wajiga koowaad laga bilaabay oo hadda maraya heer gababo ah, iyadoo deegaanno badan laga saaray kooxxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay’adaha dowladeed ee Konfur-galbeed Soomaaliya, waxaana uu tusaale usoo qaatay waxgaradka deegaannada laga fuliyay wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab.

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Dhankooda, adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah, waxaana uu sheeay in markaan la joogo doorka dhaqanka ee maamulka deegaannada Koonfur Galbeed oo kulan muhiim ah la qaatay madaxweyne Xasan Shiikh.

Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan Al-shabaab, waxaana ay ballanqaadeen in ay madaxweynaha ku garab istaagi doonaan dagaalka oo ay qaadan doonaan doorkooda kaga aadan abaabulka bulshada

Goobjoog News