U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Xudur, Xilli Siweyn Loogu Soo Dhoweeyay + Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaasidiiran loogu soo dhoweeyay magalada Xudur, waxaana  safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo  Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go’doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed oo dhowaan lagu dhawaaqay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgarad, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, kaas oo la filayo in abaabulkiisa laga bilaabo deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kala go’doonsan .

Goobjoog News