U bood dhigaalka

Daadad Qasaaro Wata oo Magaalada Beledweyne Ku Rogmaday

Roobab xooggan oo ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan habeennimadii xalay ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo dagganaa xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, kaddib markii Webiga Shabeelle uu ku fatahay. Waxaa la soo sheegayaa in ay jirto cabsi laga qabo in fataahaddu ay gaarto xaafada Howlwadaag.

Dadka deggan xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax-Jibis ayaa saqdii dhaxe ee xalay mar qura kusoo toosay guryahooda a oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, kuwaas oo ka yimid Webiga oo biyo baaxad leh soo rogay, xilligaan oo la guda galay waqtiga xilli roobaadka Dayrta.

Fatahaadda wabiga ayaa biyo-dhigtay guryo badan oo ku yaala Magaalada Baledweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doonsan gudaha magaalada. Waxaa sidoo kale cabsi laga qabaa in roobabka iyo daadadka ay sii kordhi karaan, maadama roobabku ay bilow yihiin bishaan Oktoobar.

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha u nugul fatahaada, taas oo qeyb ka aheyd digniinihii horay uga soo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayna ku sheegtay in Soomaaliya ay la oddorosayo in ay ka da’aan roobab dabeylo iyo daadad wata oo ay sababtay duufaanta El Niño.

Maamulka Hirshabelle ayaan xal waara u helin fatahaada uu sameeyo Webiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Beledweyne saameyn badan ku yeeshay fatahaadaha oo keenay in dad badan magaalada ka barakacaan, sannadkiina ilaa laba jeer laga guuro qeybaha qaar ee magaalada.

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in daad xooggan ay ku soo rogmadeen xaafadaha qaar kaddib roobab saacado badan ka da’ayay magaalada, waxaana kala xirmay xaafadaha qaar. Hay’adaha Caalamiga ah iyo qaarka mid Dawladaha Geeska ayaa ka digaya isbeddel cimileed ay khatartiisu baahi karto, oo saamaynta ka dhalatay ay ka mid tahay duufaanta El Niño.