Sidee Aqoonsiga Qaranka Uga Qaybqaadan Karaa Horumarka Dalka?
“Qofka jaahilka ah waa qofka aan magaciisa qori karin, si la mid ah dalka aan u diiwaangashneen muwaadiniintiisa waa dal jaahil ah.”
Bishii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir heer qaran ah oo laba maalin socday, kaas oo lagu daah-furayey nidaamka cusub ee aqoonsiga qaranka, sidoo kale waxaa lagu xusayey maalinta aqoonsiga caalamiga ah oo ku beegan 16 Setembar. Shirka ka dib waxaa baraha bulshada qabsaday, dadweynuhuna isla dhex mareen doodo la xiriira waxa uu yahay kaarkan aqoonsiga qaranka iyo dhibaatooyinka jira ee uu xalka waara u noqon karo. Mid ka mid ah doodahaasi waxay leedahay aqoonsiga qaranka waxa uu wax ka qaban doonaa tashwiishka ku furan qofka aad tahay, kana hortegayaa in aad magacyo kala duwan yeelato. Yacni, waxa uu sahlayaa in si fudud lagugu aqoonsado, lana heli karo raadkaaga. Si kale u dhig, dooddu waxay leedahay waxaa meesha ka bixi doona in magacyo kala duwan aad akoon ku furato, baasaboorna ku dalbato.
Madaxweynaha JFS, Xasan Shiikh Maxamuud isaga oo ka hadlaya muhiimadda aqoonsiga qaranku leeyahay waxa uu yiri “Haysashada kaar aqoonsi oo heer qaran ah waxay udub-dhexaad u tahay [horumarka dalka] dhinac walba.” Ugu yaraan, qof kasta oo muwaadin ah waxa uu yeelan doonaa nambar isaga u gaar ah (unique id number), laguna aqoonsan doono maalinta la siiyo ilaa inta uu ka dhimanayo. Cid kale oo la wadaageyso ma jireyso, waxaana laga qaban doonaa xogtiisa shakhsiga ah sida farahiisa, afartiisa magac, deegaankiisa iwm.
Hadalhayntii ka dhalatay kaarka aqoonsiga waxa uu gaaray figta sare ilaa uu ka noqday wax dadka oo dhan ay ka hadlayaan ama ku sheekeystaan. Waxaan idin la wadaagayaa sheeko yar oo ku saabsan dood dhex maraysay waardiyaal oo aan ku dul-kufay aniga oo ka soo baxaayo mid ka mid ah bangiyada dalka ka furan. Midkoo akteyda taagan wuxuu ku dooday kaarkan cusub waa muhiim, waxa uuna caddeynayaa qofka aad tahay. Kan kale, isagana wuxuu leeyahay kaarka waxba kama duwana kii 1970yadii ee minishiibiyo teysaro la dhihi jiray, waxna ma soo kordhin doono. Cabbaar intaan dhageystay ayaan ka codsaday in aan doodda wax ku darsado. Waxaan ku dhahay aqoonsiga qaranka waa hanti iyo xaq aasaasi ah oo uu qofka muwaadinka ah leeyahay, waxa uuna xaqiijinayaa, tixraacna u yahay qofka aad tahay. Dalal badan oo isticmaala ayaa jira, horumar la taaban karana ka gaaray. Waxaa ka mid ah India, Pakistan, Estonia, Malawi, Rwanda, South Africa iwm.
Haddaba, qormadan waxaan si gaar ah diiradda ugu saarayaa kaarka aqoonsiga qaranka iyo saameyntiisa ku aaddan horumarka dalka. Marka hore, waxaan si kooban hordhac uga bixinayaa aqoonsiga qaranka iyo halka uu ka yimid taariikhiyan. Marka xigta, waxaan si kooban u dulmarayaa waxtarka uu kaarkan u leeyahay horumarka dalka, si gaar ahaaneed wax ka qabashada sugnaan la’aanta macaamiisha ama wax afka ingiriisiga lagu dhaho KYC. Qaybta dambe, waxaan kaga hadlayaa caqabadaha aan la iska indhotiri karin ee ku gadaaman oo ay tahay in isha lagu haayo, lagana sii gaashaanto.
Waa maxay aqoonsi qaran?
Aqoonsi qaran oo dhijitaal ah waxaa loola jeedaa hannaan aqoonsi oo ku shaqeeya tiknoolojiyad, taas oo qabata xogta qofka, iyada oo laga damacsan yahay ujeeddo ah in qaab danabeysan (digitalized) loo sugo, aqoonsado, loona sharciyeeyo waxa uu qofku yahay, waxaana intaas dheer kaydinta xog-dhalyada (biometric) qofka iyo maareynta aqoonsiga. Dhanka kale, sanadkii 2015 dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midowbe waxay isla garteen, iskuna waafaqeyn in la dejiyo yool gaar ah (SDGs 16.9) oo si cad u dhigaya in dadka adduunka ku nool oo dhan la siiyo aqoonsi sharci ah marka la gaaro 2030, iyada oo la tixgelinayo ahmiyadda uu aqoonsigu u leeyahay horumarka aadanaha dhan kasta sida ganacsi, maamul wanaag, amni, karaan bulsho iwm. Nasiibwanaag, dalkeena Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalkaas saxiixay. Iyada oo taas laga duulayo ayaa sanadkii 2020 waxaa la bilaabay hirgelinta nidaam aqoonsi qaran oo dhijitaal ah si loo hubsado gaarista yoolkaas. Sidoo kale, waxaa sharci lr 009 lagu dhisay Hay’adda NIRA oo sharciyan awood u leh diiwaangelinta dadweynaha iyo maareynta aqoonsiga qaranka.
Taariikhda nidaamka aqoonsiga casriga ah oo kooban
Dowladdii Faransiiska ee uu hoggaaminaayey Napoleon waxay soo saartey kaar aqoonsi oo loo yaqiinay kaarka aqoonsiga Napoleon, kaas oo laga lahaa laba ujeeddo: (1) In lagu xaddido dhaqdhaqaaqa shaqaalaha. (2) In shaqaalaha aysan beddelan karin shaqadooda iyada oo aysan oggolaansho ka heysanin shirkaddii ay ka shaqeynayeen. Dhanka kale,qarnigii 20aad, dalka Jarmalka waxa uu ahaa mid ka mid ah dalalka ugu dimuqraaddisan, isu-dulqaadashada iyo xorriyadda taalla Yurub; marka laga eego dhanka bixinta adeegyada bulshada.
Herman Göring oo ka tirsanaa xisbigii Naasiga ayaa isaga oo tilmaamaya ujeeddadii laga lahaa hirgelinta kaarka aqoonsiga dalka Jarmalka waxa uu yiri “Haddii la hirgeliyo nidaamka diiwaangelinta dadweynaha (Volkskartei -ID card) waxa aynu xaqiijin karnaa la socodka dhaqdhaqaaqa shacabka Jarmalka.”
Dalalkii muddo hore bilaabay isticmaalka nidaamka aqoonsiga waxaa ka mid ah dalka Shiinaha oo koobiyeeyey qaabkii Napoleon u hirgeliyey mashruuciisii diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta kaarkiisa. Madaxweynihii hore ee dalka Shiinaha Mao waxa uu hirgeliyey nidaamkii aqoonsi ee Napoleon isaga oo ka lahaa laba ujeeddo: In uu kula socdo dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha iyo si aysan u beddelan shaqooyinkooda iyaga oo aan oggolaansho heysanin.
- Dalka Shiinaha waxaa ka jiray laba nidaam oo diiwaangelin ah: Midda koowaad waxaa loo yaqiinay Dang-an, waxaana lagu kaydin jiray xog nololeedka shakhsiga ah ee shaqaalaha. Kan labaad, isaga waxaa la dhihi jiray Dossier, waxaana lagula socon jiray aragtida shaqaalaha, mawqifkooda iwm.
- Nidaam kale oo deegaameysi ah ayaa jiray, waxaana laa yaqiinay diiwaangelinta guryaha-household registration, waxaana loogu talaggalay in lagu kaydiyo xogta ku saabsan meelaha ay degan yihiin shaqaalaha.
Xilliga casriga ah
Dagaalkii labaadee adduunka wixii ka dambeeyey waxaa la hindisay kaarar aqoonsi. Sanadkii 1938, sharcidejiyaashii dalka Ingiriiska ayaa ansixiyey xeer la dhaho “Xeerka Diiwaangelinta Qaranka,” kaas oo shacabka dhan ku waajibiyey in ay qaataan kaarka aqoonsiga. Sanadkii 1940, dowladdii Faransiiska iyadana waxay bilowday in ay sameysato nidaamka aqoonsiga qaranka. Si la mid ah, dalalka Giriiga iyo Poland.
Sanado badan ka dib kaarka aqoonsiga dadweynaha waxa uu ku fiday qaaradda Aasiya. Dalalkii qaatay waxaa ka mid ahaa Hong Kong iyada oo hirgelisay sanadkii 1949 si ay u xoojiso madaxbannaanideeda, una xaddiddo soo galootiga ka imaanaya Shiinaha. Si la mid ah, waxaa nidaamka aqoonsiga hirgeliyey dalalka kala ah Taiwan sanadkii 1949, South Korea iyo Singapore iyaga oo ka lahaa dano dhaqaale iyo mid amni.
Kobcinta dhaqaalaha
Kaarka aqoonsiga qaranka waxa uu bangiyada iyo xawaaladaha dalka ka caawinayaa in ay kala saaraan macaamiishooda saxda ah iyo kuwa magacyada beenta ah wato iyaga oo si fudud ku ogaan kara qofka saxda ah maadaama xogtiisa gaarka ah sida farihiisa, magaciisa, iyo meesha uu degan yahay ay ku kaydsan yihiin xarunta xog-kaydinta nidaamka aqoonsiga qaranka, gacantana ay ku hayso Hay’adda Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) oo mas’uul ka ah diiwaangelinta, maareynta xogta, iyo bixinta kaarka. Waxaa bangiyada iyo xawaaladaha loo furayaa adeegga hubinta (verification services) oo ah mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan oo ay bixiso hay’adda.
Waxaa meesha si fudud uga bixi doona dad badan oo hadda bangiyada ku isticmaala magacyo kala duwan. Dhanka kale, waxaa jirta deraasad ay sameysay McKinsey, kaas oo ku saabsan aqoonsiga qaranka iyo waxa uu ku kordhin karo waxsoosaarka dalalka soo koraya. Natiijada deraasaddaasi waxay leedahay marka la hirgeliyo aqoonsiga qaranka boqolkiiba lix waxa uu kor u qaadayaa waxsoosaarka dalka. Sidaas darteed, waxaa la filayaa in aqoonsiga qaranka Soomaaliya uu sare u qaadi doono tirada macaamiisha bangiyada iyo xawaaladaha oo labaduba lafdhabar u ah nidaamka maaliyadeed ee dalkeena.
Marka laga yimaado dhanka kobaca dhaqaalaha, waxaa kaloo jira faa’iidooyin kale oo uu wato kaarkan, waxaana ka mid ah qodobadan hoos ku xusan:
- In loo wada sinnaado fursadaha ka imaanaya kororka dhaqaalaha dalka
- In fursad iskummid ah loo helo adeegyada bulsho sida caafimaadka iyo waxbarashada dalka
- Ilaalinta carruurta
- In la hagaajiyo, fursadna loo helo barnaamijyada lagu taageerayo bulshada qaybteeda danyarta ah
- Xoojinta maamul wanaagga
- Fududeynta Isdhexgelka dhaqaale ee gobolka iyo caalamka
Caqabadaha ku gadaaman nidaamka aqoonsiga
Aqoonsiga qaranka dalkeena waxa uu wax la qabaa dhammaan aqoonsiyada kale ee ka jira dalalka soo koraya sida kuwa Afrika marka ma jiri doono caqabado isaga un ku kooban. Tusaale, caqabadaha walaaca badan laga qabo waxaa ka mid ah in qaybo badan oo bulshada ka mid ah gaar ahaan kuwa danyarta ah ee aan awoodin iibsashada kaarka laga tego ama aysan qaadanin badankood, halkaasna ay kala kulmaan dhib ah in aysan fursad u helin adeegyada shirkadaha gaarka ah bixiyaan iyo kuwa dowladda.
Sidoo kale, waxay caqabad kale ka imaan kartaa dhanka xogta shakhsiga ah iyo in lagu xadgudbo ama loo isticmaalo dano gaar ah oo aan ahayn tii uu sharcigu oggolaa. Caqabadaha u gaarka ah dalalka soo koraya sida dalkeena oo kale ah waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:
- Nidaamka diiwaangelinta madaniga oo laciif ah
- Internet-xumo iyo kaabayaasha kale oo aan la heli karin
- Akhrinta iyo qoraalka oo hooseysa
- U nuglaansho weerarada dhanka internet-ka
Si caqabadahaasi looga gudbo, waxaa lamahuraan ah in sare loo qaado xawaaraha internet-ka dalka, lana xoojiyo diiwaangelinta madaniga ah, sidoo kale la dhiirrigeliyo barnaamijyada kor loogu qaado wacyiga akhris-qoraalka bulshadeena sida bandhigyada carwooyinka buugaagta, maktabadaha iwm.
Ugu dambeyn, nidaamka aqoonsigu waxa uu udub-dhexaad iyo tiir adag u yahay horumarka ay ku talaabsanayso dowladnimadeena dhan walba sida sare u qaadista waxsoosaarka dakhliga gudaha, dowlad wanaagga, fududeynta canshuuraha, waxa uu sugayaa, tixraacna u noqonayaa qofka aad tahay.
WQ: Xasan Mudane, La-Taliye ka tirsan Hay’adda Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA)