U bood dhigaalka

Waa Kuma Ninka Heysta Abaalmarinta Bloomberg ee ay Dowlada Soomaaliya La Kaashaneyso Jiheynta Siyaasadaha Horumarinta Dalka?

Sheeko:Ganacsiga

Dowladda Soomaaliya ayaa horumarinta hanaanka dowladnimada iyo adeeg bixinta dowladnimada casriga ah la kaashaneysa khubaro caalami ah oo khibrad u leh dowlad dhiska iyo horumarinta siyaasadaha dhaqaalaha.

October 16, 2023 Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa furay shir aqoon isweydaarsi ah oo ay xukuummadda u qabatay golaha wasiiradda, aqoon is weydaarsigaan oo socday saddex maalin ayaa waxaa ka qabgalay wasiiradda xukuumadda federaalaka ah, agaasimayaasha wasaaradaha iyo ganacsatada, waxaana marti ku ahaa madasha horumariyaha Idris Jala ee u dhashay dalka Maleysia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka oo dardaaran dheer siiyay golaha wasiiradda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay heshiiska siyaasadda jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya si hadafka dowliga ah ee la hiigsaneyso loo gaaro.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sharaxayay sababta keentay in khubaro dibada ah lala kaashado hagaajinta qorshayaasha horumarinta dowladda ayaa yiri  “Hadaan rabno in aan caalamka hiigsano, waxaan garawsanay in aysan arrintu ku soconeynin sidii caadiga aheyd, waxaan raadsanaay oo aan isku daynay in aan helno dad hoggaamiyay geediyo nuucaan oo kale ah, oo garanaya sida loo raro reeraha (dowladaha), si aan durbo u gaarno horumarka aan hiigsaneyn.”

Kooxaha siminaarka ka faa’ideystay waxaa ka mid ahaa; Wasiirrada xukuumadda federaalka ah, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, qeybaha ganacsatada Soomaaliyeed iyo qaar kale.  iyada oo lagu soo bandhigay halka maanta lajoogo, caqabadaha dowladimada heysta iyo hiigsiga.

Sida ilo kala duwan xaqiijinayaan, waxaa lagu wadaa in xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa khubarada ay dhaqangeliso isbadallo degdeg ah, iyada oo la faray wasaaradaha in ay ku shaqeyn doonaan qaab Dijital ah, oo daahfuran, yool cad, isla markaana la adkeyn doono waxqabadka, wax soo saarka iyo tayeynta shaqada iyo shaqaalaha si natiijada ay u noqoto horumar.

Hirgelinta barnaamijkan jiheynta ayaa u baahan dhaqaale badan, oo haddii la isku afgarto ay tahay in lala kaashado deeq bixiyeyaal caalami ah, taasi oo u baahan waqti kale iyo in la geliyo dadaal dheer.

Isbadalkan ay qaadaneyso Soomaaliya, ayna ku gacan siinayaan khubaro dibadda ah ayaa imaanaya iyada oo December ee sanadkan ay Soomaaliya ka gudbeyso dhammaan marxaladihii  deymaha lagu cafin lahaa. Deyn cafinta kadib Soomaaliya waxay filaneysaa in dalku helayo malaayiin lacageed loo isticmaalo mashaariic horumarineed  oo dhinac walba ah, oo ay ugu horeeyaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Warbixinta ay bishan soo saareen IMF ee ahayd in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan heerarkii deyn cafinta waa mirodhalka dadaallo ay Muqdisho wadday tan iyo markii dib loo soo celiyay  xiriirka hey’adda lacaga 2013-kii.

Haddaba, Waa kuma Idris Jala  oo hormuud ka ah jiheynta dowladnimada Soomaaliya?

Idris Jala oo ah khabiirka ay Soomaaliya u kaashaneyso jiheynta dalka, waxaa uu sumcad ku leeyahay dunida isaga oo lagu bartay badbaadinta shirdaha iyo dalalka dhaqaalaha ahaan buka,

Idris Jala waxaa uu ahaa Wasiir ka tirsan xukuumadda Maleysia, isaga oo madax ka ahaa barnaamijka isbadalka iyo PEMANDU, iyada oo barnaamijkan laga duulayo waxaa Jala dalal badan gacan ka siiyay in ay gaaraan isbadal dhaqan, dhaqaale waxaana dalalkaasi ka mid ahaa:  Tanzania, Cumaan, Ethiopia, Russia, Rwanda, Nigeria, Djibouti, Lesotho, St. Lucia iyo Sacuudi Carabiya.

Lix sano uu Wasiir ahaa, waxaa uu Maleyisa u horkacay barnaamijka Implementation of the Economic Transformation Programme (ETP) iyada oo dalkaasi uu gaaray heerka ugu sareeya ee kobaca dhaqaalaha gaar ahaan gacansiga gaarka ah.

 Bloomberg waxaa ay ku sheegtay 10-ka qof ee ugu saameynta badan dunida xagga horumarinta siyaasadaha,

 Meelaha uu soo maamulayay waxaa ka mid ah; Sunway, Malaysia Airlines (MAS), Shell, waxaa uuna lataliye u ahaa World Economic Forum (WEF) iyo meelo kale.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa uu tababarro siinayay dalal iyo hey’ado badan oo caalami ah, waxaa uuna casharro ka bixiyaa Harvard.