U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Brussels Kula Kulmay Madaxweynaha Midowga Yurub.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Al-Shabaab iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamo dooceedyada uu la qaadanayo mas’uuliyiinta ka soo qeybgalaysa shirka Brussels, kaas oo ay isugu imanayaan Midowga Yurub iyo madaxda dalalka soo korayo oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.