U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dunida Taageero Uga Raadinaya Qaadista Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan Yurub, isaga oo halkaas ka wada galaagalo kale duwan, kuwaas uu kaga golleeyahay sidii uu taageero ugu heli lahaa qaadista cunacabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ay u hesho hub iyo dib-u-dhis ciidanka ah.

Madaxweynaha ayaa Istanbuul kula kulamay Madaxweynaha wadanka Turkiga Recap Tayyip Erdogan iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaanno iyo degmooyin badan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Turkiga kadib waxaa uu safar ku tagi doonaa UK, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Ingiriiska, isaga oo kala hadlaya sidii ay UK taageero ugu muujin laheyd codsiga Soomaaliya ee ku aadan in laga qaado cunaqabateynta hubka ee la saary 1991.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay sida Dawladda Soomaaliya ugu baahan tahay in laga qaado cunaqabateynta hubka, si Ciidanka Xoogga Dalka ay ugu suurtogasho in ay hantaan ammaanka dalka, kadib bixitaanka ciidanka ATIMIS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin dalka Jabuuti, ayaa ka xoghayahu u ballanqaaday in Dawladda Mareykanka ay ka taageeari doonto sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, isaga oo ammaanay guulaha ciidanka dalka.

Madaxweyne Xasan oo shirkii ugu dambeeyay uga qeyb galay Magaaladda Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Midowga Yurub iyo Dawladaha Soo-Koraya ka sheegay in xilligaan aad loogu baahi qabo in Soomalaiya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran tan iyo sanadkii 1991-kii.

Safarrada iyo galaangalka dunida uu ka wado Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo sedex bil ah uu Magaalada Dhuusamareeb u fadhiyay abaabulka iyo dhameystirka wajiga 2aad ee dagaalka Al- Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dawladdu ku qabsatay deegaanno wajiga 1-aad.