U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo Muddo Kordhin u Sameeyay Xafiiska Qaramada Midoobay Ee UNSOM

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Golaha ayaa muddo 12 bilood oo kale ah u kordhiyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si Soomaaliya looga taageero hawlaha dib u kabashada .

Howlgalkaan ayaa shaqadisu waxaa ay ku salaysan tahay taageerada dawlad-dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya, waxaana la aasaasay xilli Soomaaliya ay weysay dowladnimada 1992-kii.

Xafiiskaan oo muddo ku shaqeynayay magaalada Nairobi ayaa usoo guuray Soomalaiya markii lagu heshiiyay dhismaha Dawladda Federaalka oo la taabo galiyay, isaga oo degay Xalane.