U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Xaaladaha Fatahaadaha Gedo


Madaxweynaha dowladda goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubbaland.


Madaxweynaha oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.


Madaxweynaha ayaa sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay roobka iyadoo 90,000 oo qoys ay ku barakaceen waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.


Dad gaaraya 14 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey 6 qof ayaa ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof sida uu xaqiijiyey Madaxweyne Axmed Madoobe.