U bood dhigaalka

Qaahira: Kulammo Mirodhal ah iyo Qodobbo Muhiim ah oo kasoo baxay Socdaalka Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallim iyo wafdigiisa ee Masar.

Sheeko:War

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Qaahira ayaa dhiggiisa Masar mudane Cumar Marwaan kala hadlay xiriirka labada dal, sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen horumarinta hay’adaha garsoorka iyo cadaaladda.

Arrimaha kale ee labada dhinac isla soo qaadeen waxaa ka mid ah sidii la isugu gudbin lahaa khibradaha, tababarrada iyo sidii Masar ay gacan uga geysan lahayd casriyeynta garsoorka Soomaaliya gaar ahaan ka faa’iideysiga dhinacyada sharciga, mashaariicda iyo barnaamijyada kale.

Wafdiga wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin oo qeyb ka ahaayeen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Sulaymaan Maxamuud iyo Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka ayaa inta ay joogeen waxaa ay soo booqdeen xarunta Wasaaradda iyo waaxyaheeda ee caasimadda cusub ee Masar, Xabsiga, Hay’adda la Dagaalanka musuqmaasuqa oo qeyb ka ah bahda garsoorka, xarunta qaran ee daraasaadka garsoorka iyo goobo kale oo muhiim ah iyada oo uu u kuurgalay howlaha socda, warbixinna ka dhageystay saraakiil iyo hawlwadeeno kala duwan.

Wasiirka Cadaaladda Masar mudane Cumar Marwaan oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo sida labada dal ee walaalaha ah ay ugu dadaalayaan iskaashiga dhammaan dhinacyada kala duwan.

Dhankiisa, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, waxaa uuna bogaadiyay dhismaha caasimadda cusub iyo habka maamul ee dalkaasi isaga oo xusay in Masar ay kaalin muhiim ah ka qaadato taageerada Soomaaliya, waxaa uuna dalbaday in ay ka gacan ka geystaan dhanka awoodsiinta aqooneed iyo tayeynta garsoorka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha caddaalada.

Socdaalka Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa imaanaya iyada oo Wasaaraddu ay waddo dadaallo badan oo lagu dardargelinayo dibna loogu habeynayo hay’adaha garsoorka iyo cadaaladda Soomaaliya, lagana faa’ideysnayo khibradaha dalalka saxiibada ah ee caalamka.