U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Dhegeystay Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir Warbixin Ku Saabsan Dardargelinta Gurmadka Fatahaadada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shir degdeg ah oo golaha Wasiirrada ay ka yeesheen dhibaatada ay Soomaaliya ku heyso duufaanta El-nino, heerka saameynta iyo qaabka gurmadka.
 
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisal wasaaraha mudane Saalax Jaamac iyo xubnaha golaha Wasiirrada, waxaa kale oo qeybgalay guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale Madaale.
 
Ugu horreyn, Madaxweynaha JFS musane Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan heerka gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax-ka qabashada waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino.
 
Dhanka kale, duqa Muqdisho mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa kulanka gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada iyo xubnaha Golaha Wasiiradda Warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen Gobolka Benaadir iyo dadaalada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay iyo in loo gurmado dadka ay waxyeelada kasoo gaareen.
 
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku boorriyay guud ahaan Golaha Wasiirada gaar ahaan xubnaha guddiga xukuumadda in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha.
 
Dhinaca kale hay’ada SODMA ayaa iyana ka warbixisay dadaalkeeda ee goobaha ay waxteeladu ka soo gaartay fatahaadaha roobabku. Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah Baardheere oo heshay laba doonyood, Beled Weyne oo saddex doonyood ah, Jowhar oo labo doonyood leh, iyo Luuq, Buurdhuubo iyo Doolow oo midkiiba uu helay hal doon. Sidoo kale, hay’adaha ayaa 16 doonyood udiray ilaa 7 magaalo oo ay ku jiraan Gado iyo Hiiraan. Dhinaca raashinka gargaarka ah, waxaa 12-kii bishan diyaarad siday sahay loogu talagalay 300 oo qoys loo diray magaalada Baydabo. Diyaarad kale oo siday sahay loogu talagalay 320 qoys ayaa loo diray Doolow. Dadaalkan baaxadda leh ayaa ujeeddadiisu tahay in gobolladaas la gaarsiiyo gargaar ay aad ugu baahan yihiin.
 
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada gobolka Banaadir, isaga si gaar ah u faray maamulka gobolka kor u qaadaan fayo-dhowrka iyo  isu-socodka, maadaama roobab joogta ah oo da’ay ay saameeyeen  nolasha dadka caasimadda, waxa uuna xusay shaqada adag ee loo baahan yahay in la qabto.
 
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo arrinta fatahaada carabka ku adkynaya ayaa waxaa uu yiri “Mas’uuliyad ayaan na saaran, waa in aan u qaadanno sida ay tahay, inta aan qaban karno ayaa aad iyo aad u badan, muhiimadda koowaad ee maanta golaha wasiirrada ay leeyihiin waa samatabixinta nafta qofka Soomaaliyeed”.
 
“Bilowgii dowladdan abaaraha taagnaa waad ogeydeen, waa isu tagnay, waa naloo kaalmeeyay, waxa aan qabanayno ayaa ka badan, kana adag, waxa ay dadka toos noogu qabanayaan, SODMA-na ha ii kordhiso dadka in looga digo, meelaha khatarta leh in ay ka dhaqaaqaan”. Ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay madaxweyne Xasan Sheekh.