U bood dhigaalka

Baydhabo: 12 Qof oo u Geeriyootay Daadadka Fatahaadaha

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ilaa 12 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay magaalada Baydhaba.

Madaxweynaha maamulka mudane Cabdicasis Laftagareen ayaa sheegay in hanti badan, guryo iyo gaadiid ay burburiyeen daadadka tiiyoo ay dheertahay 50% in Baydhabo laga barakacay.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyada oo uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha fadhiistay goobahaasi.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka ku dhibaataysan KG.


Marka laga tago Baydho sidoo kale waxaa xaalada adag wajahaya dadka ku dhaqan magaalada Xudur iyo Bardaale, kuwaas oo daadad ay ku dhufteen, kuwaas oo go’doon galiyay bulshada ku dhaqan halkaasi.