U bood dhigaalka

Baladweyne: Shacab Ku Go’doonsan Xaafadaha Qaar iyo Gargaar Bilowday

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayey weli go’doonsan yihiin xaafadaha qaar, kuwaas oo ay ku fataheen biyo play daadad ah gaar ahaan suuqyada magalaada, Isbitaalka guud ee degmada

Dadkii ku dhaqnaa magalaada sida deegaanka Ceeljaalle ayaa waxaa gargaarkii ugu horeeyay gaarsiiyay ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ATMIS , gaar ahaa kuwa Jabuuti, kaas oo isugu jiray Baco ay ka galaan roobka cunto iyo sidoo kale Biyo, maamulka gobolka ayaa ka mahadceliyay.

Xaafadaha magaalada Baladweyne wabiga oo biirsanaya Roobka ayaa si isku mid ah ugu fataheen , xilli cabsi xooggan laga qabaa in xadiga biyaha wabiga ay saameeyaan halka la isaga gudbo ee buundada, Xaafadaha Koonshin iyo Buundoweyn ayaa dadku wali waxaa ay yihiin kuwa ku go’doonsan gudohooda.


Gabi ahaan suuqyada kale duwan ee magaalada ayaa ku xirmay fatahaadda, taas oo adkeysay nolosha dadka, kuwaas oo deegaansanaya Ceeljaale iyo kuwa go’doonsan, waxaa meesha ka baxay isbitaalkii guud ee magaalada oo ahaa halka ay bulshadu ka heli jirtay daawada,oo fatahaadda ayaa saameysay.


Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ay xilligaan cabsi weyn laga qabaa inuu fatahaad xooggan sidoo kale uu ka geysan karo gobollada Shabeellooyinka marka la eego xadiga biyaha badan ee Wabiga, Magaalooyin ay ku jirto Jowhar dadka ayaa bilaabay dadaallo looga hortagayo fatahaaddo iyadoo carro xir laga dhisay.

Fatahaadaha wabiyada Shabeelle, Jubba iyo daadadka roobka da’aya ayaa dowladdu sheegatay in ay ku nafwaayeen 50 ruux, waxaana wali socda digniinha soo baxay eek u aadan cabsida laga qabo in dalka ay ku dhufato duufaanta El-nino, taas oo cabsi badan laga muujinayo kadib saameynta caalmak laga arkay.