U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir iyo Taliyaaniga oo Dib u Howlgeliyay Jardiinka Jirto 120 sano

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dib-u-dhis lagu sameeyay Darjiinka Umberto Di Savoia ee ku yaala Degmada Xamarweyne, halkaasi oo ah goob nasiino iyo dalxiis oo taariikhi ah oo dib loo hirgelayay.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada dib-u-dhiska loogu sameeyay Darjiinkaan uu yahay iney Bulshada Soomaaliyeed ay helaan goobo ay usoo nasiino iyo Dalxiis tagaan, maadaama Darjiinkaan uu ka mid yahay goobaha faca weyn ee taariikhda ku leh Caasimadda Muqdisho, isaga dhisan 120 sano.

Munaasabada xarig-jarka Darjiinka Umberto Di Savoia waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, waxaana uu ugu baaqay in la ilaaliyo dhismahaan.

Darbigaan ayaa waxaa uu ahaa taariikh dowladda Taliyaaniga ay u dhistay boqor la oran jiray UmbertoI Di Savoia, kaas oo taliyaaniga xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 1878 ilaa iyo 1900,intaan la toogan xilli socdaal ku marayay magaalada Monza oo ah magaalada sedexaad ee ugu weyn gobolka Lombardy.