U bood dhigaalka

Israel iyo Xamaas oo Ku Hishiiyay Xabadjoojin Kumeel Gaar ah iyo Maxaabiis La Isdhaafsanayo

Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey heshiis xabbadjoojin KMG ah oo waddada u xaareysa in la sii daayo ilaa 50 qof oo lagu haysto Gaza iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran jeelasha Israa’iil, kadib dhowr 40 cisho dagaal soconayay.

Heshiiskaan oo ay garwadeen ka yihiin Dowladda Qadar ayaa dhigaya in muddo 4-cisho ah Gaza laga sameeyo xabadjoojin si la isu weydaarsado maxaabiis gaareysa 50 oo ay heystaan Xamaas iyo 150 Falastiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in heshiisku aanu micnihiisu ahayn in dagaalku joogsanayo, isagoo wacad ku maray in Israel ay sii wadi doonaan dagaalka ka dib xabbad-joojinta, xilli khasaaruhu yahay mid sii kordhaya labada dhiacba.

Heshiiska ayaa qeexaya in mudada xabbad-joojinta Israa’iil ay sidoo kale joojin doonto dhammaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka waddo Gaza iyo in boqollaal baabuur oo ku raran gargaar raashin,dawo iyo shidaal loo ogolaado in in ay galaan Gazaa.


Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan Gaza Koonfurta iyo Waqooyiga oo ay kamid yihiin agagaarka Isbitaalka Indonesia iyo Khan Younis oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaza oo la isku hayo, Xamaas ayaa sheegatay gubista dhowr Taangi.

In ka badan 14,100 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo bishii Oktoobar 7-deeda . Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay gaaraysaa 1,200, waxaa jira la heystayaal askar iyo shacab ah oo lagu kala gorgortamayo marka la eego.