U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Aruusha Uga Qeybgalaya Shir ay Leeyihiin Madaxda Daladda (EAC)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya isaga oo ka qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika. Shirka ayaa la sugayaa in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan.

Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato.

Ka mid noqoshada EAC, dalkeennu waxaa uu ka qaybqaadanayaa iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, madaxweynaha ayaa hore u sheegay in guul ay tahay umadda Soomaaliyeed kami noqoshada bulshada bariga Afrika (EAC).