U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo Khudbad Taariikhi ah Ka Jeediyay Furitaanka Kalfadhiga Afaraad ee BFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 4aad, kulankiisa 1aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Khudbadda Madaxweynaha ayaa taabanaysay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin waxqabadkii muddada 18ka bilood ahayd ee ay hay’adaha dawladdu ku tallaabsadeen himilooyinka u yaalla ee ay tahay in ay hantaan.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ku saamoobay isbeddelka cimilada oo sababay in ay da’aan roobab fatahaado wata, kuwaas oo ka da’ay qeybo badan oo dalka mid ah, gaar ahaan maamul goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo qeybo ka mid ah Galmudug, fatahaadahaas oo sababay xaaladda daran ee El Niño.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka fatahaadaha in ay ka gaysato, isaga oo sidoo kale faray hay’adaha dawladdu in ay u guntadaan samatabixinta shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadahaas.

Dhinaca kale, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isdultaagay in afartii bilood ee ugu danbaysay uu dhaqaalaha dalku kor u kacay 25%, isaga oo tilmaamay in arrintaasi ay ku dhacday ka dib markii si wadajir ah Xukuumadda Danqaran, BJFS iyo hay’adaha kale ee dawladdu iska kaashadeen dhiirrigalinta waxsoosaarka gudaha, ganacsiga iyo dardargalinta ladagaallanka argaggaxisada.

Madaxweynaha JFS ayaa ku nuuxnuuxsaday guulaha badan ee laga gaaray ladagaallanka argaggaxisada khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay in loo la dagaallamay cudud ahaan, caqiiddo ahaan iyo laga cunaqabateeyo baaddii baaddilka ahayd ee ay ka qaadi jireen shacabweynaha Soomaaliyeed. Guulahaas waaweyn ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in ay ku yimaaddeen iskuduubnaanta shacabka Soomaaliyeed iyo duullaanka safmarka ah ee Ciidamada Xoogga Dalka oo garansanaya Xooggaga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u maamuusay kaalinta Ciidamada Xoogga Dalka iyo Xoogagga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo si weyn u sheegay doorkooda shariifka ah ee ku aaddan ladagaallanka argaggaxisada khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale tilmaamay in dhammaan degaannadii ka hoos xoroobay Khawaarijta la gaarsiiyay adeeg dawladeed oo dhammaystiran.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay xilliga kamadanbaysta ah ee ciidamada ATMIS ka bixi doonaan dalka, isaga oo sheegay in Disenbar 2024 uu askariga ugu danbeeya ka huleeli doono dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadaas ka hor uu dalku ka xoroobi doono gacanta cadowga argaggaxisada ee Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in uu mar dhow ku noqon doona furimaha dagaalka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Danqaran iyo golayaasha kale ee dawladdu ay ku guulaysteen hirgalinta siyaasadda dawladda ee “Soomaali dunida heshiis la ah”, isaga oo intaas ku daray in dawladdu dadaallo badan galisay xoojinta xiriirka arrimaha dibedda iyo Soomaaliya oo dunida oo dhan heshiis la ah oo si siman wax u la wadaagta.

Madaxweynuhu waxa si faahfaahsan u sheegay ahmiyadda ay leedahay ku biiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isaga oo si qotadheer u sheegay faa’iidooyinka waaweyn ee shacabka Soomaaliyeed ka heli doonaan suuqaas weyn. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ganacsata Soomaaliyeed ku baraarujiyay in wixii maanta ka danbeeya ay si xor ah ugaga ganacsan doonaan dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, iyaga oo ku leh xaq iyo xuquuq dhowrsoon.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku daahfuray hiigsiga ‘Soomaaliyada Cusub’ ee ah Soomaaliya horumarsan, isku filan, dastuur aan qabyo ahayn leh, dhaqaalaheedu kobacsan yahay, amni ah oo Khawaarijta iyo argaggaxisada xor ka ah, khayraadka dalkeedana ka faa’iidaysata.

Madaxweyne, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada gole ee BJFS ku bogaadiyay hawsha qiimaha leh ee ay dalka u hayaan, isaga oo ku ammaanay waxqabadkii ballaarnaa ee ay muddada kooban ku qabteen, sida ansixinta sharciyo dalka muhiin u ah.

Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa BJFS ka rejeeyay in ay meelmarin doonaan heshiisyada iyo sharciyada dalka iyo dadkaba danta u ah, isaga oo, sidoo kalana, u rejeeyay in ay hawlahooda u gudan si xilkasnimo iyo hufnaan leh.